Xukuumadda oo la taageerey 1 Dec 1, 2012 - 3:57:13 AM
GAROWE ONLINE
Xili Dhowaan bayaan taageero ah uu ka soo baxay Beesha Cali Saleebaan ee gobolka Bari ka dib kulan balaaran oo ay yeesheen kana soo qaybgaleen dhinacyadooda kala duwan ayaa waxa isi soo taraya taagerada la siinayo geedi socodka dimoqraadiyada Puntland.
Suldaan Cabdilaahi Saalax Cumar ( Jeenicad ) oo ka mid ah isimada beesha Cali Saleebaan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegey in xukuumadda madaxweyne Farole dalka horumar iyo nabad u horseedey islamarkaasina ku jiraan haatan dhamaystirka hawshii hore u soo bilaabmatey sanadka xiga ee 2013.
Suldaanka ayaa ugu baaqey mucaaradka Puntland in si hufan u soo bandhigaan fikirkooda aysana noqon kuwo wax duminaya,isagoona ku darey in Puntland ka jirtey nidaam iyo kala danbeyn aan ka jirin gobollada kale ee dalka.
Beelaha Puntland degan ayaa dhowaanahan waxa soo badanayey taageerada ay sinayaan xukumadda Dr.Farole oo ku hawlan sidi loo dhamaystiri lahaa Geedi socodka looga baxayo nidaamka wax ku qaybsiga Qabiilka.
Halkan ka dhageyso Cali Fantastic oo wareystey Suldaan Jeenicad