Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtey Garowe

GAROWE ONLINE

Xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe ayaa xalay lagu qabtey xaflad lagu maamuusayey xuska sanadguurada 52aad ee ka soo wareegtey xoriyadii gobolada koonfureed iyo israacii gobolada waqooyi iyo koonfurta dalka.

Kusimaha madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi ,gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka ,saraakiisha kala duwan ee dowladda ,issimo ,xubnaha bulshada rayidka ah oo hormud ka yihiin dhalinyarada iyo haweenku ,Qurbajoogta reer Puntland iyo weliba marti sharaf shisheeye oo lagu casumey xuskan ayaa ka qaybgalay.

Kooxda Waaberi Puntland ayaa xaflada qaybteedi hore daadihineysey oo soo bandhigtey heeso ,riwayaado ,majaajilooyin,gabayo iyo suugaan kale oo ka tarjumeysey halgankii gobanimada Somalia ,xaalkii dalka ee berisamaadkii iyo weliba bararaarujin jiilka haatan jooga inay u istaagaan badbaadinta dalka.

Qaybtii danbe ee xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa waxa madaxda iyo masuuliyiintu soo jeediyeen khudbado kala duwan waxaana lagu soo dhoweyey ugu horeyn Faadumo Ibraahim Cali oo agaasime ka ah Dalada ay ku mideysanyihiin ururada aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA).

Waxay hanbalyo iyo bogaadin dirtey dhamaan umadda reer Puntland iyo Somalia oo ku aadan maalintan qiimaha badan iyadoona haweenka Soomaliyeed ku dhiiirgelisey ka qayb-qaadashada siyaasada Somalia ragana ka codsatey in booska loo baneeyo haweenka si markooda loo tijaabiyo bal dalka heerka ay gaarsiiyan.

Farxiya Bashiir oo kamida qurbajoogta reer Puntland islamarkaasina xubin ka ah golaha deegaanka degmo ku taal dalka Norwey ayaa hadalo kooban madasha ka soo jeedisey waxana si weyn u amaantey horumarka iyo iskaashiga dhinacyo kala duwan laga gaarey Puntland.

Qurbajoogta ayay fariin u dirtey inay dalka dib ugu soo laabtaan kana qayb-qaataan dhismihiisa iyadoona ku tilmaamey faraxad aan la soo koobi karin imaatinkeeda Puntland markii ugu horeysey.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa kadib lagu soo dhoweyey makrafoonka waxana uu faahfahin ka bixiyey halka uu marayo geedi socodka Dimoqradiyada Puntland.

Ansixintii Dastuurka oo talabada ugu muhiimsan ahayd 18 April ,2012 ayuu ka waramey gudoomiyuhu iyo xeerka dhismaha ururada siyaasada Puntland oo dhowaana meel mariyeen golaha wakiiladu islamarkaasina haatan looga fadhiyo madaxweynaha Puntland inuu saxiixo.

Dhowaan ayuu ka dhawaajiyey in la guda gelidoono doorashooyinka dowladda hoose ee ururada siyaasada kadibna loo gudbin doona kuwa barlamanka isagoona ku soo xirey in sanad gudihiis ay qorshaysan yihiin hawlahasi in lagu dhamaystiro.

Wasiirka cadaalada,diinta iyo dhaqan celinta Puntland Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ayaa waxa uu xaflada ka soo qayb-galayaasheedi uga waramey habeenkii 1-da Luulyo 1960 oo uu ka mid ahaa goob joogayaasheedi.

Dareen wadanimo ayuu dadka geliyey wasiirku isagoona qaadey qaar kamida suugaantii xiligaasi la tiriyey.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi ayaa dhankiisa ka so sheekeyey dagaaladii loo galay madaxbanaanida Somalia qaybaheeda kala duwan waxana sidoo kale uu tibaaxey taariikhdii dhalinyaradii SYL oo kaalin mug leh ka qaadatey gobanimadii Somalia.

Gduoomiyaha Barlamanka Puntland waxa uu hanbalyey dadweynaha Soomaliyeed munsaabadan awgeed ka hor inta uusan ku soo dhoweyn sii hayaha xilka madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Hanbalyo diiran ayuu Gen.Shire u direy dhamaan shacabka reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan isagoona Alle uga baryey in sanadkan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad.

Maalamaha meel gaar ah Somalida uga taal ayuu ku tilmaamey madaxweynuhu 1-da Luulyo isagoona raaciyey in Puntland had iyo goor u taagantahay midnimada umadda Soomaaliyeed oo bubruka iyo qaxa ku jirtey 20-kii  Sanno ee la soo dhaafey.

Ug u danbeyntii saacadu markii ay gartey 12:00 habeenimo ayaa calanka Somalia laga taagey xarunta madaxtoyada,waxana ka qayb qaatey ciidamada Bambeyda iyo cutub ka tirsan daraawiishta Puntland oo salaam sharaf kadib intaasi siiyey kusimaha madaxweynaha Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Xafladii xalay ayaa guud ahaan ku soo dhamaatey jawi degan iyadoona dadku is weydaarsanayeen hanbalyo iyo bogaadin ku aadan 1-da Luulyo ,waxana maanta gebi ahaan fasax shaqada ka ah shaqaalaha kala duwan ee Puntland.

Daawo sawirada qaybta 2aad xafladi xalay ka dhacdey madaxtoyada





















RELATED:
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Geoff Tooth
Hor-Cad oo xulaysa xubnaha
Dr.Farole oo ka hadlay Jubaland


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe
GAROWE, Somalia May 20, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us