From Garoweonline.com
Yusuf Daboged oo hubka laga wareejiyay
By
May 11, 2008 - 1:32:53 AM
Warar lagu kalsoonyahay oo soo baxay saakay ayaa sheegaya in hubkii Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar (Daba-geed) ay la wareegeen ciidamada Ethiopianka oo fariisinka ku leh duleed magaalada B/weyne ee Janto-kundisho.
Lama oga sababta keentay xilligan in hubka Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan lala wareego balse warar ayaa shegaya in uu yahay amar ka yimid xukumada Nuur Cadde.
Ra'isal wasaare Nuur Cadde ayaa horey uga dalbadey Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamad Dheere in hubkiisa ku soo wareejiyo guddi xukuumadu u xilsaartey iyada oo dhowaan la filayo in Darwiish iyo Qaybdiid laga qaado.
Magaalada Baladweyne ayaa hada waxaa ku sugan ciidamo xoogan kuwaas waardiye ka haya goobo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Baladweyne iyada oo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in magaalada ku soo fool leeyahay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiraan Maxamad Axmad Maxamad.
Gudoomiyaha cusub oo dhowaan uu magacaabey Ra'isal wasaare Nuur Cadde ayaa inta badan xubnihii weheliyey is-casileen.
I
lyaas Guute, Garoweonline
B/weyne
http://www.garoweonline.com