Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Yusuf iyo Xildhibaano gaaray Libya


Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xildhibaano la socda ayaa safar aan horay loo qorsheyn xalay ku tagay magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Yusuf iyo wafdigiisa ayaa waxay xalay ka dhoofeen Nairobi, iyadoo socdaalkooda aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ka dambeeya, balse safiirka Somalia u fadhiya Libya ayaa sheegay inuu casuumaad ka helay Madaxweynaha Libya.

"Safarka Madaxweynaha waa mid salka ku haya casuumad uu ka helay Madaxweynaha Libya Mucamar Al-Qadaafi, waxayna ka hadli doonaan qodobo xasaasi ah" ayuu yiri C/xakiin Ugaas oo ah safiirka Somalia u fadhiya dalka Libya oo la hadlay BBC-da.

Danjire C/xakiin ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qodobada ay kulankooda kaga hadli doonaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Mucamar Al-Qadaafi.

Saraakiisha safaarada Somalida ee Libya ayaa la sheegay inay Madaxweyanah iyo wafdigiisa soo dhaweeyeen, mana jiraan wax hadal ah oo uu siiyay saxaafada dalkaas.

Khilaaf ka dhashay magacaabida wasiiradii badli lahaa kuwii horay isku casilay ayaa soo dhexgalay Yuusuf iyo Nuur Cadde, iyadoo Yuusuf uu sheegay inaysan wax xukuumad ah dalka ka jirin.

"Mucaaradka DF waxay qabsadeen deegaano badan oo ku dhow caasimada, sida ceelasha biyaha, dhanaane iyo Jasiira, wax xukuumad ahna dalka kama jiraan, xildhibaanadu waa inay dalkii ku laabtaan waxna qabtaan" ayuu ku yiri Madaxweyne Yuusuf khudbad uu u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Cadde oo isaguna ka jawaabayay hadalka Madaxweyne Yusuf ayaa shalay oo Axad ah kaga dhawaaqay Nairobi wasiiro cusub, cambaareyna u jeediyay hadalkii Yuusuf.
Ilo wareedyo ku dhow Madaxweynaha Somalia ayaa sheegaya in marka uu dhameysto safarka uu ku joogo Libya uu dib ugu laaban doono Muqdisho, lagana yaabo inuu dalka geliyo xaalad deg-deg ah.
 
Garowe Online, Nairobi

RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us