From Garoweonline.com

Wararka
Yusuf oo ku soo noqdey Muqdisho
By
May 11, 2008 - 4:50:22 AM

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kaddib saddex toddobaad oo ay safar dibadda ah uga maqnaayeen dalka.

Jidadka Muqdisho ayaa la xiray intii aysan soo dagin Yusuf iyo wafdigiisa oo kasoo duulay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana loo diiday dadka iyo gaadiidku inay maraan waddooyinka isku-xira madaxtooyada illaa garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Arrimaha dibadda Cali Axmed Jaamac [Jangeli] iyo xubno kale oo ka tirsan madaxtooyada oo horay uga raacay Muqdisho.

Yusuf iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xubno ka tirsan DF iyadoo saxafaddu aysan ka warhayn soo noqoshada Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somalia; iyagoo taas loo macneeyo inay laga baqayo inay Mucaaradku madaafiic ku weeraraan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho [Adan Adde International Airport].

"Madaxweynuhu, wuxu nasasho kaddib ka warbixin doonan safarradii uu ku soo maray dalal calamka ka tirsan iyo gulihii uu kasoo hoyay safaradiisa" sidaa waxaa Warsidaha Garowe Online u sheegay mid ka mid ah gacan-yarayaasha Madaxweyne Yuusuf oo diiday in magaciisa la daabaco.

Yusuf ayaa intii uu dalka ka maqnaa wuxuu socod kusoo maray dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Kenya iyo Ethiopia.
 
Garowe Online, Muqdisho


http://www.garoweonline.com