Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Xuska asaaskii 14aad ee Puntland

GAROWE ONLINE

Wejiga labaad xaflada sanadguurada 14aad ee ka soo wareegtey asaaskii Puntland ayaa xalay lagu qabtey xarunta madxtoyada Garowe ,waxana goobta loo qaabeyey sida Aqalka Somaliga.

Ka soo qaybgalayaasha xaflada ayaa madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ugu horeeyey oo ay wehelinyaan ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaha daraawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere ,wasiirada xukuumadda ,mudanayaasha Barlamanka ,ururada haweenka iyo dhalinyarada ,safaarada Ethiopia ,sarakiisha ciidamada darawiishta ,badda iyo booliska ,fanaanada Qaranka Soomaliyeed Saado Cali Warsame ,wakiilada hayadaha caalamiga ah Puntland iyo marti sharaf kale oo lagu casumey ayaa ka soo qaybgalay.

Inkastoo aan hadalo badan laga soo jeedin madasha ayaa haddana waxa si weyn xalay wacdaro uga dhigey xaflada munaasada kooxda Waaberi Puntland oo hormuud ka yahay Abwaan Cabdiqaadir Shube ,waxana kooxdiisu soo bandhigtey heeso ,riwaayado ,majaajilooyin ,ciyaaraha hidaha iyo weliba gabayo dhamaan ka tarjumaya heerarka ay Puntland soo martey iyo sida maanta xasiloonida iyo barwaaqada loogu diirsadey.

Saado Cali Warsame oo dhaawaac dhowaan ka soo gaarey shil gaari ayaa sidoo kale qayb ka geystey sugaantii xaflada iyadoona mid kamida heesaha Puntland ay u tirisey ku qaadey madasha .

Intaasi kadib ayaa loo guda galay khudbooyinkii munaasabada oo gudoomiyaha Barlamanka uu hanbalyo u direy umadda reer Puntland islamarkaasina ku dhooweyey madaxweynaha Dr.Cabdiraxman Maxamed.

Khudbadda sanadka ee madaxweynaha Puntland ayaa ahayd mid dhinacyo kala duwan abaareysey sida Amaanka ,dhaqaalaha ,arrimaha bulshada ,siyaasada gudaha,Qorshaha RoadMapka iyo kaalinta Somalia aynu kaga jirno.

Waxa uu mahad bilowgii u soo jeediyey guddiga qaban qaabada xuska sanadguurada 14aad ee asaaskii Puntland ,dadweyanaha oo si qurxoon uga qayb qaatey iyo weliba ciidamada amaanka oo heegan ugu jira xasiloonida dalka iyo sugida amaankiisa.

Waxa uu sheegey Madaxweynuhu inay jiraan dhibaatooyin dhaqaale oo dalku soo marey sida hoos u dhaca shilinka Somaliga oo sababeeyey inay jiraan dad keydsada lacagta soo saarana xiliga ay suuqa ka dhamaato iyadoona Dr.Farole raaciyey inay keeni doonaan lacag Somali ah oo dhamaan ka shaqeyn doonaa dalka.

Amaanka oo la xaqiijiyo iyo midnimada oo la adkeeyo kadib ayuu sheegey madaxweynuhu in lagu gaari karo horumarka la tiigsanayo oo Puntland dhabahiisa ay hayso.

Dr.Cabdiraxman ayaa tibaaxey in dowaldiisu dagaal joogto ah kula jirto argagixisada iyo burcad badeeda waxana uu dalbadey taageero iyo garab istaag Puntland sidii ay uga adkaan lahayn.

Nidaamka axsaabta badan iyo qaabka doorashooyinka Puntland noqoneyso iyo weliba habka qabaa’ilka oo laga guurayo islamarkaasina geedi loo yahay dhinaca dimoqraadiyada.

Guud ahaan xaflada sanadguurada Puntland ayaa ku soo dhamaatey jawi sare iyo hanbalyo ay is weydaarsanayeen ka soo qaybgalayaashu …Sanadguuro wacan dhamaan umadda reer Puntland.

Halkan ka daawo sawiradda Xaflada xalay ka dhacdey Garowe

Qaybta kowaad sawiradda xaflada Madaxtoyada Garowe

Qaybta labaad sawiradda xaflada Madaxtoyada Garowe


Halkan ka dhageyso khudbada madaxweynaha Puntland ee August2012


RELATED:
Gudiga kormeerka oo la mgacaabay
Puntland ayaa ka hadashay weerarkii UNDP Muqdisho
Barlamanka oo ka doodaya Guardfu


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: UN compound siege in Mogadishu by Al Shabaab kills 15
MOGADISHU, Somalia Jun 19 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon condemns attack on UN compound

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us