Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: May 17, 2008 - 6:28:49 AM
Wararka
Dagaal ka dhacay Muqdisho


Dagaal sababay dhimashada ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia iyo dhaawaca 7-qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ciidamada Ethiopia ayaa maanta ka dhacay inta u dhexeysa warshadda Baastada iyo dhismihii caymiska Qaranka.

Dagaalkaan oo socday muddo kooban ayaa wuxuu yimid kaddib markii gaari ay wateen ciidamo Ethiopian ah oo quraac u waday ciidamo kale oo ku sugan Caymis lala helay miinooyinka dhulka lagu aaso, halkaasoo ay ku dhinteen afarta askari.

Qaraxas kaddib ayaa waxaa billowday dagaal fool-ka-fool ah oo u dhexeeyay ciidamadii Ethiopianka ahaa ee ilalinayay gaariga yar iyo kooxaha ka horjeda joogitanka Somalia, iyadoo dagalkaas ay ku dhaawacmeen 7-ruux oo saddex ka mid ah ay yihiin xoogaggii dagaalka kula jiray halka afarta kalena ay yihiin ciidamada Ethiopia.

Iskahorimadka ayaa istaagay iyadoo kooxaha weerarkas ka dambeeyay ay baxsadeen, waxayna markaas kaddib ciidamada Ethiopia isku ballaariyeen deegaanno ay ka mid tahay xaafadda Gubta.

Baaritaano xoogan oo ay sameyeen ciidamada Ethiopia ayaa waxay kusoo qabqabteen dhowr ruux oo ay ku tuhmayeen inay ka dambeeyan falalkii lagu qarxiyay iyo dagaalkii lagala hortagay, iyagoo u kexeystay dhanka warshadda baastada.

Qaar ka mid ah dadka deganka ayaa waxay shegeen in dhinacyadu ay isku adegsaden hub culus iyo mid fudud, iyadoo gaarigii goobta looga gubay ciidamada Ethiopia ay jiiteen markii uu dagaalku dhamaaday kaddib.

Isku socodka gadiidka iyo dadka ayaa weli xiran, iyadoo ciidamadu ay isku ballariyeen deegaanno fog-fog oo ka tirsan halka lagu dagaalamay, waxaana cakiran xaaladda deegaannadii lagu dagaaalmay.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somalia ayaa waxay dagaallo qorsheysan iyo qaraxyo kala kulmaan kooxaha ka horjeeda, iyadoo dagaalkaas ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqda ah ee ka socda Somalia ay ku eedeeyaan madaxda Ethiopia Ururka Al-shabaab.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Cabsi dagaal oo ka jirta Sanaag
Barlamanka DF ah oo maanta kulmey
Abu Mansuur oo u hanjabey xildhibaano

Advertisement
 

Somalia: Continuing to fail

EDITORS PICK:

Pirates in total defiance of the UN in Somalia
NAIROBI, Kenya July 5 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us