From Garoweonline.com
Xeer Hosadka Barlamanka PL
By
Mar 20, 2008 - 4:10:41 PM
Kadib markii Barlamanka Puntland isku mari waayey codbixinta xeerka shidaalka xukuumada Cadde Muse soo hordhigtey aqalka Wakilada ayaa waxaa dhacday in Gudoomiyaha Xidhibaanada uu jabiyey xeer hoosaadkii u yaaley golaha.
Gudoomiyha waaxaa
uu isticmaali karey codkiisa dheeriga markii labo jeer oo cod la qaado
is leekaato hase yeeshee iyadoo aan la gaarin markii sadexad uu xaqa u
yeelan lahaa in uu isticmaalo codka dheraadka ah ayuu ka hordhacey
sida ku qoran xeer hoosaadkaan qodobka
13aad.
Garowe Online ayaa isku taxalujiyey soo helida xeerka hoosadka Barlamanka Puntland waxaana uu u qaran yahay sidatan:
DAWLAD G. PUNTLAND PUNTLAND STATE
EE SOOMAALIYA OF SOMALIA
Golaha Wakiillada Representative Council
_____________________________________________________________
XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILLADA DGPL
Qodobka 1-aad
Qeexida xeer hoosaadka Golaha Wakiilada
1.1.1 Sida ku cad qodobka 46.5 ee dastuurka Goluhu wuxuu yeelanayaa xeer-hoosaad u gaar ah.
1.1.2 Xeer hoosaadka Goluhu waa qodobo qaanuuneed o lagu nidaaminayo: -
1.2.1 Qaab dhismeedka Golaha
1.2.2 Awoodaha Golaha
1.2.3 Hab dhaqanka xubnaha iyo hanaan u socodsiinta Howlaha Golaha.
1.24 Hab raaca shaqo ee Gudiyada Golaha
Qodobka 2aad
Dhaarta Xilka
2.1. Xildhibaanku intuusan bilaabin hawsha wuxuu maraayaa dhaarta soo socota waxaana dhaarinaysa Maxkadda Sare: Waxaan ku dhaaranyaa magaca Ilaahay inaan diinta Islamka xurmeeyo, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo ugu guto, dalka iyo dadkiisa Lillaahi ugu shaqeeyo.
2.2 Xildhibaankii diida inuu maro dhaarta kor ku xusan, wuxuu ku waayayaa xilka xildhibaanimada Golaha Wakiilada.
Qodobka 3aad
Fadhiga kowaad ee Golaha
3.1 Fadhiga kowaad ee Goluhu wuxuu ku ansaxayaa markii ay joogaan saddex meelood labo 2/3 tirada guud ee xubnaha Golaha.
3.2 Fadhiga kowaad ee Golaha Wakiiladu wuxuu qabsoomi-karaa 30 maalmood gudahood, ka dib marka Guddida Doorashadu ku dhawaaqdo natijada doorasha Xubnaha Golaha Wakiilada DGPL.
3.3 Fadhiga kowaad Goluhu wuxuu u magacaabayaa Guddoomiye ku-meel gaar ah xildhibaanka ugu da’weyn Golaha wuxuuna u kaashanayaa hawlaha xafiiska afarta xildhibaan ee ugu da’ yar Golaha
3.4 Xafiiska Guddoonka ee ku-meel gaar ahi wuxuu iclaaminayaa doorashada isagoo raacaya habka doorasha ee ku qoran qodobka 17-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada, Markii la doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiilada wuxuuna la wareegayaa xilka xafiiska guddoonka isagoo sii wadaya hab-raaca doorashada xubnaha xafiiska Guddoonka, tirada ka dhiman.
Qodobka 4-aad
Golaha Wakiiladda
4.1 Golaha Wakiiladda ayaa leh awoodda xeer dejinta Puntland waxayna matalaan shacabka Puntland oo dhan sida ku cad Dastuurka Qodobka 43.1.
4.2 Goluhu wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood oo laga soo doortay Gobollada
Puntland.
4.3 Mudane kastaa markuu gudanayo waajibaadkiisa shaqo wuxuu matalaa
shacabka Puntland oo dhan.
4.4 Jiritaanka Goluhu wuxuu ku egyahay mudada ku xusan qodobka 43.3 ee
Dastuurka oo ah 4-sano.
4.5 Xarunta Goluhu waa caasimadda Puntland ee Garoowe, sida ku cad qodobka 7.1 ee dastuurka.
4.6 Goluhu wuxuu shirkiisa ku qabsan karaa meel kasta oo Puntland ka mid ah haddii ay dhacdo sabab loogu shiri kari waayo caasimadda
Qodobka 5-aad
Nabadgalyada Xarunta Golaha Wakiiladda
5.1 Nabadgalyada xarunta Golaha iyo tan fadhiyada waxaa u xilsaaran ciidanka Nabadgalyada.
5.2 Xarunta Golaha waxaa ka reeba la gelidda hubka haddii aan loo haysan ruqsad
5.3 Ciidanka nabadgalyadu ma baari karo xubin kasta oo leh Xasaanad
5.4 Ciidanka Nabadgalyadu waa baari karaa korkiisa/korkeeda qofkii galaya Xarunta
Golaha oo aan lahayn Xasaanad.
5.5 Hadii qof aan ahayn Mudane ku af-lagaadoodo shirka marka hore Guddoonku wuxuu siinayaa Digniin, haddii uu wax ku qaadan waayo waxaa loo gudbinayaa Ciidanka Nabadgalyada.
5.6 Haddii inta lagu jiro doodaha xildhibaan ka soo cawdo in sharaftiisa wax loo dhimay wuxuu codsan karaa in la dhegaysto. Shir-Guddoomiyuhu wuxuu u magacaabi karaa guddi muddo leh hadduu u arko in arrintu mudantahay. Guddigu wuxuu u soo celinayaa shir guddoonka aragtidiisa guddoonka gooluhuna wuxuu ka qadayaa tallaabada ku haboon iyadoo aan cod iyo dood midna la galin
5.7 Haddii xildhibaan ku dhawaaqo wax yaabo aan ku haboonayn shirka, shir-Guddoonku wuu la hadlayaa isagoo magaciisa kor ugu dhawaaqaya.
5.8 Xildhibaan kasta oo loogu yeero inuu nidaamka dhawro oo raba inuu cudur-daar ka bixiyo waxaa la siin karaa hadalka markii shirku dhammaado ama isla
Markiiba haddii shir-Guddoonku u ogolaado.
5.9 Haddii mar labaad canaan loo jeediyo isla fadhigaas ama arrin culus uu ku koco iyadoon loo fiirin canaan hore shir-guddoonku wuxuu ku amaraayaa inuu qolka shirka ka baxo inta fadhiga ka hartay Maalintaas, waxaa la mid ah hadduu afla-gaadeeyo xildhibaan kale ama uu caayo xubnaha Dawladda.
5.10. Haddii xildhibaanku diido inuu u hogaansamo amarka, shir-guddoonku wuxuu joojinaya fadhiga waana kabaxaya qolka shirka wuxuuna ku amrayaa xildhibaanada Nidaamka Golaha u xilsaanran in la fuliyo amarkiisa.
5.11 Guddoonka shirku wuxuu u soo jeedin-karaa Guddoomiyaha Golaha in lagu ganaaxo xildhibaankii gacan ka hadal la yimaada ama buuq ama afla-gaadeeya xubnaha Golaha, Dawladda ama Madaxweynaha, inuusan ka soo qayb-gelin shirarka Golaha muddo labo ilaa shan iyo toban cisho ah. Sinaba go’aanka Guddoomiyaha Golaha looma gelin karo dood iyo codayn midna. Inta muddada ganaaxo socoto haddii uu isku dayo inuu ka qayb galo shirarka ganaaxo waa laban- laabmayaa, wuxuuna wayayaa xuquuqdii uu ku heli lahaa fadhiga.
5.12 falalka aad khatarta u ah haddii ay ka dhacaan Xarunta Golaha oo aan Qolka shirarka ahayn Guddoomiyaha Shirku wuxuu u soo jeedin karaa Guddoonka Golaha in lagu qaado xildhibaanka falka galay ganaaxa ku xusan qodobka 5.11
5.13 Wixii ka baxsan anshaxa iyo habsami u socodsiinta hawlaha Golaha lana xiriira fal –dambiyeed ku qoran xeerka ciqaabta waxaa loo gudbinayaa hayada garsoorka ee awooda u leh iyadoo la raacayo nimaadka Dastuurka DGPL.
5.14 Hawlaha ama shirarka ay fulinayaan Hayado ama Ururo aan ka tirsanayn Golaha Wakiilada laguma qaban karo Xarunta Golaha haddii aanu ogolaan Guddoomiyaha Goluhu isagoo qiimaynaya durufaha shaqo ee Golaha.
5.15 Xoogaga amniga oo ay ku jiraan poliiska barista dembiyada ma geli karaan qolalka Shirarka haddii aan Guddoomyiha Goluhu amrin ka dib marka la xiro shirarkii socday.
Qodobka 6-aad
Xilka iyo Waajibaadka Golaha Wakiiladda
6.1 Xilka iyo waajibaadka Goluhu wuxuu ku cad yahay qodobada 46-aad iyo 47-aad
ee Dastuurka DGPL.
6.2 Wargalinta iyo baahinta Xeerarka Goluhu ansixiyo.
6.3 Diidmada, ogolaanshaha & wax ka bedelka heshiisyada Xukuumadu gasho (dibad & gudaba) sida ku cad qodobka 47.8 ee Dastuurka.
6.4 kormeerka iyo dabo galka barnaamijka wax qabad ee xukuumada sida ku cad 47.6 dastuurka.
6.5 Sameynta qaynuuno cusub & wax ka bedelka kuwo hore u jirey.
6.6 Go’aan ka gaadhida mooshinnada Golaha la horkeeno
6.7 Dabagalka iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowlada.
6.8 Goluhu wuxuu Su’aalo weydiin karaa Golayaasha kale ee dawlada, haddii uu ku qanci waayo jawaabahooda wuxuu xaq u leeyahay inuu ka gaadho Go’aan gole
6.9 Dabo galka & hubinta ku dhaqanka Xeerarka Goluhu Ansixiyey
6.10 Goluhu wuxuu ugu yeeri karaa Golayaasha kale ama masuuliyiinta kale ee dawlada fadhiga Golaha haddii loo baahdo.
6.11 Qoondaynta Miisaaniyada Golaha sanad kasta
6.12 Wax ku daridda & wax ka bedelka Ajendaha Golaha la hor keeno
6.13 Qabashada & ka doodista cabashooyinka ka yimaada dadweynaha
Qodobka 7-aad
Xuquuqda Gaar ahaaneed ee Mudanaha
7.1 Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay aqoonsi Wakiilnimo (kaadh)
7.2 Mudanuhu wuxuu qaadi karaa damaanad shaqsiyeed iyo mid Maaliyadeed oo macquul ah marka laga reebo danbiyadda culus ee xeerka Ciqaabta.
7.3 Mudane kasta waa inuu yeesho fayl u gaar ah.
7.4 Mudanaha lama baari karo isaga iyo Gurigiisa lamana qaban karo hadii uusan faraha kula jirin fal danbiyeed culus.
7.5 Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay Guno Bileed, Guno howleed, Guno Xileed, Guno Fadhi, Guri, Gaadhi iyo Daryeel Caafimaad sida ku cad shuruucda Baarlamaanadda.
7.6 Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu ka helo hal-koobi qaynuun kasta oo Goluhu ansixiyo.
Qodobka 8-aad
Asbaabaha Lagu lumin karo Xubinnimada Golaha Wakiiladda
8.1 Markuu Mudanuhu ka maqnaado laba kalfadhi oo caadi ah sabab la’aan
8.2 Hadii ay dhacaan shuruudaha lagu luminayo xubin nimada Golaha Wakiiladda qaar ka mid ah sida ku cad qodobka 45-aad ee Dastuurka.
8.3 Makii mudanuhu ku xad gudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka si badheedh ah.
Qodobka 9-aad
Kalfadhiyada Golaha Wakiiladda
9.1 Goluhu wuxuu yeelanayaa laba kalfadhi oo caadi ah kuna kala beegan 31-da Oktoobar iyo 15 juun sanad walba iyo kuwa aan caadi ahayn hadii loo baahdo.
9.2 Mudada kalfadhigu waa 60-casho,
9.3 Golaha waxaa loo soo gudbinayaa hadal qoraalka shikrii hore iyo wixii warbixin ah oo uu hayo Gudoomiyuhu ee ka baxsan war bixinta Gudiyada.
9.4 Muddo laba casha ah ugu badnaan Goluhu wuxuu dhagaysanayaa warbixinta iyo macluumaadka ay soo uruuriyaan Gudiyadu, iyadoo ay mid mid u soo jeedinayaan Madax Gudiyeedyada ama cidii ay wakiishaan.
9.5 Golaha waxaa loosoo jeedinayaa waxii mooshin ah ee ka yimaada Golayaasha Dowlada iyo shacabkaba.
9.6 Xubnaha Golaha waxaa loo gudbinayaa Ajenadaha & mudada shirka bil ka hor furitaanka kalfadhiga.
Qodobka 10-aad
Habdhaqanka Xubnaha Golaha iyo Hanaan u socodsiinta Hawlahooda
10.1 Xubnaha Golaha wakiiladdu waxay shaqada soo galayaan 8:30 subaxnimo xiliga ka bixitaanka shaqaduna waxay noqonaysaa mid furan.
10.2 Xubnaha Golaha wakiiladdu waxay saxiixayaan diiwaanka shaqada maalin walba intaan shirku furmin iyo biririfta ka dib
10.3 Waxaa la tiranayaa fadhi kasta inta Mudane ee ka soo qayb gashay iyadoo la qorayo Magacyada Xubnaha maqan iyo kuwa joogaba.
10.4 Xubnaha Golahu waxaa waajib ah inay ka soo wada qayb galaan shirka Golaha hadii aanay fadhiga ka hor u soo gudbin sabab macquul ah Guddoonka Golaha.
10.5 Maalin walba intaan la dhexgelin hawl maalmeedka Golaha waxaa lagu bilaabayaa Aaydo Quraan ah
10.6 Waxay yeelanayaan Biririf 10-subaxnimo ilaa 10:30 -subaxnimo
10.7 Mudanaha aan labada saxiix dhamaystirin waxaa go’aya guno maalmeedkiisa
10.8 Madaxa Gudiga shuruucda iyo Xoghayaha Joogtada ah waa inay Wakiil kasta ka hayaan saxiixiisa/Saxiixeeda Rasmiga ah.
10.9 Mudanihii shan bari ka badan ka maqnaada Shirka fasax la’aan waxaa loo gudibanayaa Guddiga anshaxa.
10.10 Fasaxa Xubnaha Golaha waxaa bixin kara Guddoonka Golaha Wakiiladda
10.11 Waxaa ka reeban:-
10.11.1 Inuu dhaqdhaqaaqo ama baxo marka Doodu socoto.
10.11.2 Inuu furnaado Mobilkiisu marka shirku socdo
10.12 Mudanihii ku kaca arrin ku xusan 10.11 ee xeerkan waxaa loo gudbinayaa Guddiga Anshaxa
10.13 Mudahana ay la kulanto daruuf gaar ahaaneed wuxuu fasax weydiinaysaa Gudoonka si Gacan taag ama qoraal ah
Qodobka 11-aad
Habka Doodaha & Khudbadaha
11.1 Afka Golaha looga doodayaa waa Afsoomaali, hadiise dad ajnabi ah Goluhu marti qaado waxay ku hadli karaan af-kale waxaase Golaha loogu turjumayaa af-soomaali.
11.2 Xubintii hadal ama dood qabta waa inay gacanta taagtaa si loo diiwaan galiyo.
11.3 Haddii ay furanto doodu xubnihii horey loo diiwaan geliyey laguma dari karo cid kale
11.4 Mudanuhu waxa uu hadalkiisa ku ekeynayaa hadba arrinka laga hadlayo, Guddoonkuna ku ilaalinayaa
11.5 Mudanuhu wuxuu xaq u leedahay inuu/inay hadlo/hadasho mudo 3-daqiiqo ah.
11.6 Mudanuhu wuxuu warbixin soo jeedin karaa mudo 10-daqiiqo ah ugu badnaan
11.7 Hadal qoraalka shirka waa la uruurinaya lana diiwaan galinayaa.
11.8 Waxaa reeban mudanaha loo ogolaaday hadal ama dood in mudane kale ka geliyo hadal ama buuq.
11.9 Hadii gudoomiyuhu istaago Dooda oo socoto xubinta hadlaysa way fariisanaysaa inta Gudoomiyuhu uu wado arrinka uu la kacay.
11.10 Hadii aanay jirin shir albaabada loo xirey waxaa dadweynaha loo ogol yahay gelidda iyo dhagaysiga goobta shirka, iyagoo aan wax hadal ah ku lahayn.
11.11 Sida ku xusan lambarka 11.10 ee qodobkaan Goluhu wuxuu yeelan karaa shir albaabadu u xiran yihiin oo kaliya marka Guddoonku soo jeediyo Goluhuna la qaato, Xukuumada ama 10 xildhibaana codsato.
Qodobka 12-aad
Ajandaha & Mooshinada Golaha
12.1 Golaha Waxaa loo soo gubinayaa wixii Mooshino ah ee ka yimaada Golayaasha
Dawladda & shacabka, iyadoo la soo marinayo Guddiyada ku shaqadda leh
12.2 Mudanayaasha raba inay ajande keenaan waxay qoraal ugu soo gudbinayaan
Xoghayha Joogatda ah si uu ugu gudbiyo Guddoonka
12.3 Haddii Guddoonku u arko Ajande mudane soo gudbiyey maangal waxaa la diiwaan gelinayaa magaca mudanaha si uu ugu soo jeediyo Golaha
12.4 Xeer kasta oo ka mid ah ajandaha Golaha la keenay waa inuu yahay ugu yaraan 70 koobi si mudane kasta uga baaraan dego
12.5 Xeer kasta oo Golaha la hor keeno waa inaanu ka hor imaanayn dastuurka ama qaanuun horey u jiray
12.6 Mooshin waxaa keeni kara Golayaasha dawlada & dadweynaha
12.7 Mooshinnada Golaha waxaa soo jeedin kara ugu yaraan 6 mudane, waana inay isku raacdaa ugu yaraan 22 mudane si looga doodo Go’aana looga gaaro
12.8 Haddii uu jiro Mooshin aan Go’aan laga gaarin lama furi karo Mooshincusub ilaa
laga meel mariyo kii hore
Qodobka 13-aad
Habka Codbixinta Golaha Wakiiladda
13.1 Cod waxaa la qaadi karaa marka ay Golaha fadhiyaan kala badh iyo hal tirada Golaha, wuxuuna ku meel maraa cod hal dheeri ah hadii aan dastuurku si kale u sheegin.
13.2 Marka codeynta la isku diyaarinayo ilaa ku dhawaaqida natiijada La gaarayo mudanayaasha waxaa ka reeban hadalka dhaqdhaqaaqa iyo Bixitaanka.
13.3 Qaabka Codeynta Goluhu waa gacan taag ama qarsoodi hadba Goluhu tay qaataan
13.4 Codka waxaa tirinaya Xoghayaha Joogtada ah iyo Hadba cidii kaalinaysa.
13.5 Hadii tirada codka khaldanto ama shaki galo Guddoomiyuhu Codeyn cusub ayuu ku celinayaa
13.6 Haddii codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeri mar sadexaadka
13.7 Natiijada Codeynta waxaa ku dhawaaqaya Guddoomiyaha Golaha
13.8 Xeer Goluhu cod ku diiday waxaa golaha Dib loogu soo celin karaa kalfadhiga Xiga.
Qodobka 14-aad
Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda
14.1 Waa Madaxa ugu sareeya hogaaminta iyo hawlaha Golaha.
14.2 Furridda, xiridda iyo hadal qaybinta hawl maalmeed Golaha.
14.3 Wuxuu Saxiixaa Go’aamada Golaha.
14.4 Wuxuu Magaca Golaha ku qabilaa Wufuuda booqashada ku timaada Dalka.
14.5 Diyaarinta Ajedayasha kalfadhiyada isagoo la tashanaya ku xigenadiisa.
14.6 Magacabida Gudiyo ka hawl gala Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa, marki uu la tashado ku xigeenadiisa.
14.7 Wuxuu isagu yeeri karaa Golaha Wakiiladda Kalfadhiyada caadiga ah ama aan caadiga ahayn, sida ku cad Dastuurka DGPL.
14.8 Wuxuu shirka hakin karaa mudo 24-saac markuu maslaxad u arko isagoo la tashanaya ku xigeenadiisa.
14.9 Wuxuu u gudbinayaa Mudanihii ka horyimaada habsami u socodka howlaha Golaha Gudiga anshaxa ee Golaha Wakiiladda.
14.10 Wuxuu xiriiriyaa hawlaha Golaha.
14.11 Wuxuu ka qayb galaa shirarka, Saxiixyada & heshiisyada khuseeya Golaha, iyadoo laga ansixinayo Golaha.
14.12 Wuxuu qoraal u diri karaa Golayaasha Dowlada ee Looga baahdo ka soo qayb galka Fadhiyada Golaha Wakiiladda ama xarunta Gudiga joogtada ah, hawl qaran awgeed.
14.13 Wuxuu magacaabaa Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Markuu la tashado ku xigeenadiisa sida ku cad Dastuurka.
14.14 Wuxuu leeyahay soo gudbinta Miisaaniyadda Golaha markay soo diyaariyaan Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka Golaha Wakiillada
14.15 Gudoomiyuhu wuxuu yeelan karaa Xoghayn u gaara.
14.16 Wuxuu magacaabi karaa la taliyayaal, isagoo la tashanaya ku xigeenada
14.17 Gudoomiyuhu wuxuu howsha Golaha u dalbi karaa garyaqaano Soomaali ah ama ajnabi ah oo ka kaaliya sharciyadda ama dib u eegista Dastuurka hadii loo baahdo.
14.18 Wuxuu ku wargeliyaa Golaha Xiliga iyo anjandaha kalfadhiga Bil ka hor.
14.19 Markuuu la tashado ku xigeenadiisa wuxuu madaxda Gudiyada (Gudd/Joogtada) ee xilkooda gudan waaya u soo gudbiyaa Golaha.
14.20 Gudoomiyuhu Wuxuu joojin karaa Mooshin aan waafaqsanayn Dastuurka iyo qawaaniinta Dalka Marka ay la qaataan Goluhu.
14.21 Haddan Goluhu u ogalaan xaq uma laha kala horumaritna ajandaha kadib markii uu Goluhu Ansixiyey.
Qodobka 15-aad
Xilka Gudoomiye ku xigeenada Kowaad iyo Labaad
15.1 Gudoomiye ku xigeenadu waxay si joogta ah uga kaaliyaan Guddoomiyaha hawlaha Golaha.
15.2 Markuu gudoomiyuhu howsha ka maqan yahay waxaa dhamaan howsha sii wadaya Gudoomiye ku xigeenka Kowaad, haday labaduba maqan yihiin waxaa dhamaan xilka sii wadaya Gudoomiye ku xigeenka Labaad.
15.3 Hadii Gudoomiyuhu Geeriyoodo, Iscasilo ama xilka laga qaado waxaa xilka sii wadaya Gudoomiye ku xigeenka Kowaad inta Gudoomiyaha Laga dooranayo, hadii arintaasi ku dhacdo Labadaba waxaa xilka sii haynaya Gudoomiye ku xigeenka labaad inta laga dooranayo, Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen.
15.4 Hadii ay dhacdo arinka ku xusan 15.3 Golaha Wakiiladdu waxay hal Bil Gudaheed ku soo dooranayaan Gudoomiye.
15.5 Hadii gudoonkuba wada maqan yahay waxaa shaqada sii wadaya Gudoomiyaha Gudiga shuruucda.
Qodobka 16-aad
Shuruudaha Lagu lumin karo Xilka Guddoonka Golaha
16.1 Xil gudasho La’aan.
16.2 Jabin Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha si bareer ah.
16.3 Gaar u isticmaalid awooda Golaha
16.4 Lunsasho hantida Golaha
16.5 Haddii ay dhacaan qodobkan faqradihiisa 1,.2,3,4. midkood ama dhamaantood waxay ku waayayaan xilkooda 2/3 (Sadex meelood laba) tirada Golaha Wakiillada markay isku raacdo.
Qodobka 17-aad
Qaabka Doorashada Guddoonka iyo Madax
Gudiyeedyada Golaha Wakiiladda.
17.1 Musharax waliba wuxuu Barnaamijkiisa iyo C.V-giisa ka horjeedinayaa Golaha Wakiiladda Hortooda waqti ku kooban 10-daqiiqo
17.2 C.v-ga Musharaxu waa inuu buuxiyaa shuruudaha ku yaal Dastuurka.
17.3 Qaabka Codbixinta Doorashadu waa qarsoodi ama gacantaag.
17.4 Codka waxaa tirinaya Xoghayaha Joogtada ah iyo Cidii ka kaalinaysa.
17.5 Codka waxaa la qaadayaa sadex wareeg, labada wareeg ee hore waa 2/3, kan sadexaadna waa haldheeri sida uu qabo Dastuurku.
17.6 Musharixii ku guuleysto labada wareeg ee hore mid ka mid ah 2/3 ayaa ku guuleystay Doorashada Gudoonka ama Madax Gudiyeedyada Golaha Wakiiladda
17.7 Wareega kowaad marka la wada galo wareega labaad waxaa u soo gudbi kara sadexda musharax ee ugu codka badan.
17.8 Wareega sadexaad oo hal dheeri ah waxaa u soo gudbi kara labada musharax eeugu codka badan.
17.9 Musharaxu Wakiil wuu keensan karaa
17.10 Ku dhawaaqista natiijada Doorashada marba heerka ay marayso waxaa leh Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.
Qodobka 18-aad
Guddiga Joogtada ah
Gudiga Joogtada ee Goluhu Wuxuu ka kooban yahay Guddoomiye labo Guddoomiye ku xigeen & Toban madax Gudiyeed oo kala ah:-
18.1 Madaxa Gudiga Cadaalada iyo Qawaaniinta.
18.2 Madaxa Gudiga Dastuurka, federaalka iyo dib u dhiska.
18.3 Madaxa Gudiga Qorsheynta & xiriirka Caalamiga ah.
18.4 Madaxa Gudiga Nabadgalyada & Amniga.
18.5 Madaxa Gudiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta.
18.6 Madaxa Gudiga Aafooyinka & Taakulaynta.
18.7 Madaxa Gudiga Arimaha Bulshada & Dhaqanka.
18.8 Madaxa Gudiga Arimaha Deegaanka & Bey’ada.
18.9 Madaxa Gudiga Arimaha Qoyska & Haweenka.
18.10 Madaxa Gudiga Arimaha Golaha & Anshaxa.
Qodobka 19-aad
Waajibaadka Shaqo ee Gudiga joogtada ah
19.1 Socodsiinta Hawlaha Golaha Wakiiladda Labada Kalfadhi dhexdooda
19.2 Ururinta Xogaha iyo dhacdooyinka Dalka Labada kalfadhi dhexdooda wuxuuna war bixin sugan u soo gudbiyaa fadhiga Golaha..
19.3 La socodka iyo Kormeerida dhamaan Habsami u socodka Qawaaniinta DGPL iyo Hubinta in barnaamijka Dowlada loo hirgaliyey sidii loo qorsheeyey
19.4 Waxay u yeeri karaan mas’uul & muwaadin kasta si ay wareysi, qoraal ama su’aalo uga weydiiyaan Arrimaha la xirira hawlahooda.
19.5 Diyaarinta Qorsheyaal & barnaamijyo wax qabad oo ku abaaraan Golaha.
19.6 Kala talinta dawlada siyaasad xoojiin karta isbedelka dhaqan dhaqaale ee dalka
19.7 Xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Golaha & Baarlmaanada Caalamka
19.8 Soo jeedinta mas’uuliyiinta Wasaaradaha & hay’adaha DGPL dhaliil iyo amaann hadba kay mudan yihiin.
19.9 Ka talo bixinta sugida amniga DGPL & dhowrista deris wanaagga
19.10 Soo saarista baaqyo Baarlamaan markii ay jiraan duruufo dabiici ah & kuwo aadami- nimo
Qodobka 20-aad
Shirarka & Kulamada Guddiga Joogtada ah
20.1 Guddoonka Guddiga joogtada ahi waa Guddoonka Golaha Wakiillada
20.2 Guddigu wuxuu yeelanayaa hal shir todobaadkiiba
20.3 Shirka Guddigu wuxuu ku furmayaa 3sadex meelood labo xubnaha Guddiga markii ay joogaan.
20.4 Go’aamada Guddigu waxay ku ansaxayaan cod hal dheeri ah, haddiise laba jeer codku is le’ekaado waxaa cod dheeri yeelanaya Guddoomiyaha
20.5 Shirka Guddiga waxaa ka qeyb galaya Xoghayaha Joogtada oo aan cod ku lahayn.
Qododbka 21-aad
Asbaabaha Lagu lumin karo Xubinimada Madax Guddiyeedyada Guddiga Joogtada ah
21.1 Shuruudaha ku qoran qodobka 45 aad ee dastuurka
21.2 Xil gudasho la”aan.
21.3 Marka uu ka maqan yahay fasax la’aan laba kal fadhi oo gudiga joogtadi ah yeesho.
21.4 Ku xad gudub Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka
21.5 Haddii ay fadhiisan waayaan laba shir oo caadi ah ciddii aan iman
Qodobka 22-aad
Waajibaadka Shaqo ee Guddiyadda Golaha
22.1 Guddiga Cadaaladda iyo Qawaaniinta
1. Daba galka xeerarka & go’aammada Goluhu ansixiyo
2. Hubinta in xeerarkii Goluhu Ansixiyey lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.
3. Ururinta Xogaha la xiriira xeerarka aan hirgelin.
Xuquuqda Garowe Online
http://www.garoweonline.com