Daawo sawirada macalimintii la xasuuqey 15 Apr 15, 2008 - 8:43:52 AM
Kadib markii Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Federaalka muddo gaaban gacanta ku dhigeen magaalada Baldweyne ayaa waxa ay halkaas ku dileen macalimiintii iyo maamulka
Hiran Community Education Project (HICEP) oo aradada Somaliyed lagu bareyey luqada Ingriiska.
Shisheeyaha lagu dilay Baladweyne ayaa waxay ahaayeen macallimiin wax ka dhiga Iskuul lagu barto luuqadda Ingiriiska, waxaana ay kala ahaayeen Haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu magacacaabi jiray Rahina iyo laba qof oo Kenyan ah oo lagu kala magacaabi jiray Andru iyo Galive, waxaa sidoo kale lagu dilay gudaha Iskuulka Prof. Daa'uud Xasan Cali oo ahaa madaxa Hiran Community Education Project (HICEP) watayna baasaboor Ingiriis ah; iyadoo bannaanka Iskuulkana lagu dilay ruux kale oo Somali ah, watana baasaboor Canadian ah.
Prof Da'ud Xasan waxaa uu magaalada B/weyne ka sameeyay hormar lagu xasuusto oo waxbarasho kaas oo ay ku diirsadeen dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo gobolada kale ee dariska la ah.
Da'ud ayaa sidoo kale sanadkii 2000 ka furay magaalada B/weyne xarun buugaagta lagu akhristo [library] lana yirahdo Hiraan Public Library iyadoo Iskuulka ay wax ku baranayeen ku dhawaad 150 arday caruur yaryar ah iyo 100 dadka waa weyn ah xiliyada galabtii, subaxii, iyo habeenkii haatana waxaa uu dhisay iskuul weyn oo la doonaya in uu howl-galo bishan dabayaqadeda.
Warsidaha Garowe Online & Radio Garowe ayaa cambaareyn u diraya kooxaha dilka u gaysanaya dadka bulshada Somaliyeed tageeraya xiligaan adag oo ay ku jirto.
Arada Iskuulka HICEP & Gabadha Macalimada ah oo la diley