From Garoweonline.com

Documents
heshiiskii PL & shirkada Al-Jabiri
By
Apr 21, 2007 - 7:59:52 AM

Waxaa warsidaha Garoweonline soo gaaray nuqul "draft" ah heshiiskii ganacsi ee Xoolaha nool oo dhexmaray ganacsadaha Sacuudiga ah Sulaiman Siciid Al Jabberi iyo Mammulka Puntland.

Heshiiskani sida uu u dhigan yahay wax faallo ah uma baahna, waxwaliba waxa ay
ku cad yihiin qodobadiisa ku qoran Afka Carabiga iyo Tarjumadiisa oo English ah, waana Draft-kii loogu talagalay in Madaxweynaha Puntlanda Cadde Muse  uu saxiixo.

Drafkan ama heshiiskan hadii uu jiro wax laga bedelay Shacabka Puntland xaq ayey uu leeyihiin in loo soo bandhigo.  Hadii taas la waayo waxa uu noqonayaa kii la sixiixay, sida la rumeysan yahay.

Nuqulada na soo gaaray ayaa ah pdf, halka nuqulka ku qoran afka Carabiga uu yahay asaligii, kan English-ka ahna uu yahay tarjumaadiisa.

Tarjumada  Qodobka 12  (3) waa $40 ee khidmada karantinka halkii Lo’ah ( geel waa qalad), tanka kale qoraalka tarjumaada English-ka halkii laga dhigi lahaa Puntland ayaa waxa lo qorey Bint-Land.

Halka ka akhri  Nuqulka "Draft" heshiiska oo ku qoran afka Carabiga

Halka ka akhri Nuqulka "Draft" heshiiska oo ku qoran afka English-ka

Qoraalkan ayaa ah pdf hadii aadan haysan ma akhriyi kartid sidaa dartdeed halkan riix oo kala bax Software-ka loogu tala galey.

Xuquuqda Daabacaada Garowe Online


http://www.garoweonline.com