From Garoweonline.com

Documents
Nuqulka ay isku khilafeen Barlamanka PL
By
Mar 19, 2008 - 10:01:02 AM

AKHRI

Barlamanka Puntland ayaa maanta isku khilaafey Darft Xukumada Cadde Muse soo hordhigtey Barlamanka Puntland kaas oo dhaliyey buuq farabadan.

Barlamanka Puntlnad oo fadhi maalmahaan ku lahaa xarunta maamul goboledka ayaa xukumada oo adeegsaneysa Gudoomiyaha aqalka Wakiilada waxaa ay ku cadaadiyeen in lo codeeya iyada xildhibanada codsanayeen in waqti badan la sii ka doodida qoraalkaan.

U codeynta qoraalkaan ayaa xildhibaanada diidey waxaa ay ahaayeen 21 xubnooda halka kuwa ogolaadey noqdeen 21 taas oo 6 mudane ka aamustey.

Gudomiyaha Barlamanka Puntland oo la rumeysan yahay in dhinaca dowlada la socday ayaa qodob xeer hosaadka u yaal aqalka Wakilada so hormarsadey kaas oo ah labo cod.

Xeer hosaadkaan aya qodob kamdi ah sheegayaa in Gudoomiyaha Barlamanka yeelan karo labo cod markii Barlamanka tiro ka sadex isku dhaafi waayo u codeynta qoraal la horkeeney si uu sharci u noqdo taas madaxa xildhibaanda Puntland iska indha tirey maanta.

Xildhibaanada diidan talaabada maanta uu qaadey Gudoomiyaha Barlamanka ayaa la soo xiriirey Radio Garowe iyo qaar ka tirsan Idaacada wadanka dibadiisa gaar ahaan SBS Australia laanted Af-Somaliga.

Dhinaca kale Wsaiirka Batroolka Puntland oo la xiriirey Radio Garowe ayaa sheegey in qoraalkii la horgeyay Barlamnaka Puntland la ansaxiyey uuna nodey sharci.

Khilaafka Barlamanka ayaa ku soo beegmay amni daro ku soo korortey maamulka Puntland kadib marki gancsato ay xukuumada Cadde Muse shirkad ku ahaayeen daabacada lacaga Faalsada ah uu dagaal dhexmarey.AKHRI 
qoraalka la soo hordhigay Barlamanka.

Garowe Online,Garowe



http://www.garoweonline.com