|
|
|
|
| Last Updated: Sep 3, 2008 - 9:22:44 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
PL: Akhri Dasturka la diidey
30 Jun 30, 2008 - 5:42:38 PM
|
AKHRI: [ Dastuurka "
pdf"]
Waxaa dhowaan
la filayaa sida ay u qorsheysan Madaxweyne Cadde Muse in Barlamanka
Puntland la soo hordhigo Dastur xukuumada damacsan tahay in laga
hirgaliyo maamul goboleedka.
Dastuurkaan oo nuqul kamid ah soo
gaarey warsidaha Garowe Online ayaa dhaliyey muran xoogan iyo diidmo ka
timid dhinaca bulshada ku dhaqan maamul goboledka kuwaas oo ku tilmamey
in aan xiligiisa la joogin islamarkana ay ku jiraan qodobo aan u
cuntamin bulshada iyada oo xukuumada Cadde Muse keentay golayasaha
xili wax lix bilood ka yar ka dhiman tahay doorashadii Madaxweynaha.
Dadweynaha
gobolka oo rumeysan in Puntland u baahan tahay Dastuur wax ku ool ah oo
ka saara qaabka qabaliyada oo xilalka siyaada ku qaybsadaan ayaa hadana
waxaa shaki wayn keeney xiliga xukuumada Cadde Muse damacsan tahay in
ay ku hirgaliso Dastuurkaan oo aan aheyn mid munaasab ah.
Issimada
Puntland oo maanta June 30,2008 baaq ka soo saarey xaalada Puntland
kuna dhawaaqey shirweyne looga arinsado aayaha gobolka ayaa xukuumada
uga digey in Dastuurkan aan la horgeyn Barlamanka.
AKHRI: Baaqa Issimada
Qoraalkaan
ayaa waxaa ka maqan xeer hoosaadyo ku lifaaqan kuwaas oo intooda badan
shaki weyn dhaliyey ayaan xaawili doona in aan idiin soo gudbino hadii
muranka ka taagan noqdo mid kordha.
AKHRI: [ Dastuurka "
pdf"]
Garowe Online,Garowe
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|