From Garoweonline.com
Qodobada Puntland & DF ah ku heshiiyen
By
Aug 25, 2009 - 3:27:12 AM
Heshiis Wada Shaqeyn oo Dhexmarey:
DFKMG ee Jamhuriyada Somalia & Dowladda Puntland ee Jamuhriyada Somalia
Wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra-iisul-wasaraha DFKG Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa booqasho rasmi ah ku yimi magaalada Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya, halkaas oo ay ay si diirran ugu soo dhoweeyeen Madaxda Dawladda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Maxamud “Farole”.
Waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobada hoos ku qoran:
1- Labada dhinac waxay isla qaaten in la sii adkeyo midnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxayna DFKG u aqoonsantahay Puntland qayb ka mid ah Jamhuriyadda Soomaaliya oo deggan, nabad ah, maamul iyo kala dambeyni ka jirto, hormoodna u ah nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya.
2. DFKG iyo Puntland waxay ku heshiiyen in la dardar geliyo dhamaystirka Dasturka Federaalka lana magacaabo gudigii fulinta iyo arrimaha aftida.
3. Si arrimaha Dastuurka iyo dhismaha Federaalka loo hirgeliyo waxay labada dhinac isku raaceen in xarun gudiga dastuurka looga furo magaalo-madaxda Dawladda Puntland ee Garoowe. Puntland waxay gudiga siinaysaa gacan si ay hawshooda u gutaan.
4. Iyadoo la tixraacayo ku dhaqanka Axdiga ku meel gaarka ah, waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso Dawlad Goboledyada harsan, islamarkaasna la dhiiri-geliyo lana taakuleeyo Dawladda Puntland oo hadda dhisan.
5. Puntland waxay maamul ahaan uga qayb gelaysaa shirarka danaheeda gaar ahaan khuseeya.
6. Waxay DFKG ballan-qaadaysaa in ay Puntland dadaal kala gasho raadinta iyo dhamaystirka mashaariicdii horumarineed ee qabyada ahaa ee Hay’addii F. A. I. (Fondo Aiuto Italiano) ka waddey gobolada Puntland kahor dhicitaankii Dawladdii Soomaaliya, 1991.
7. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in xarumo taba-bar ciidan laga furo goobo ka mid ah Puntland, loona dhamaystiro agabka iyo qalabka ay u baahan yihiin.
8. Iyadoo la isla gartay khatarta Burcad-Badedu ku hayso gobolada Puntland, waxay DFKG iyo Puntland ku heshiiyen in xarun weyn ee ciidanka Badda Soomaaliya laga furo Puntland loona dhamaystiro agabka ay u baahan yihiin ciidanku iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka.
9. DFKG iyo Puntland waxay ku heshiiyeen in si wada-jir ah la isaga kaashado la dagaalanka burcad-badeedda iyo tahriibta kuwaasoo khatar ku ah nabadgelyada guud ee Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland.
10. Waxay labada dhinac ku heshiiyen in deeqaha waxbarsho ee ay soo hesho DFKG laga siiyo Puntland saami ah 25 %. Deeqda waxbarshada waxaa loo gelayaa imtixaan waxaana maamulaya wasaaradda waxbarashada Puntland, wasaaradda Tacliinta sare ee DFKG-na waxay ku yeelanaysaa kormeer.
11. Waxay wasaaradaha waxbarshada DFKG iyo Puntland yelanyaan wada-shaqayn iyo xiriir joogto ah, waxayna iska kaashanayan tababarada macalimiinta iyo maamulayasha, kana wada shaqeynayaan midaynta siyaasadda iyo manhajyada waxbarashada Soomaaliya.
12. Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhammaan Hay’adaha caalamiga ahi xafiisyadooda u xilsaaran Soomaaliya u soo raraan gudaha dalka meelaha nabaddu ka jirto, sida Puntland.
13. Waxay DFKG iyo Puntland ku baaqayaan horumarinta iyo ilaalinta diinta, dhaqanka, suugaanta, af-soomaaliga, madxafyada iyo goobaha taariikhiga ah.
14. Waxay labada dhinac ku heshiiyen in xiriir joogto ah lala yeesho jaaliyadaha dibadda iyo qurbe-joogta, laguna dhiirri-geliyo dhawridda dhaqankooda, diintooda iyo afkooda iyo weliba in lagu boorriyo ka qayb-qaadashada dib-u-dhiska dalka iyo in ay sharaf iyo xushmad kula noolaadaan bulshooyinka ay la nool yihiin oo dalalkooda ku martigeliyey, dejiyeyna.
15. Ugu dambayn waxay labada dhinac isku af-garteen in wasaradaha iyo Hay’adaha DFKG iyo Puntland yeeshaan wada-shaqayn iyo xiriir joogto ah.
Galkacyo, 23/08/09 , Saxiixayaasha
Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud
Ra-iisul-wasaaraha DFKG, Somaliya Madaxweynaha Dawladda Puntland
http://www.garoweonline.com