Qoraal M.Dheere loo gudbiyey 10 May 10, 2008 - 8:03:10 AM
Kadib markii asbuucii hore ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyaha ciidanka Booliska iyo madaxa ciidanka Nabad sugida uu Ra'isla waasaraha DF ka dalbadey in hubkooda soo wareejiyaan ayaa GO waxaa soo gaarey mid kamid ah qoraalkaas.
Maxamad Dheere oo kamid ahaa dagaal ogayasha Somalia islamarkana kamid noqday xubnaha sida aadka ah ugu dhow ciidamada Ethiopia oo faraglin ku sameeyay Somalia 2006 ayaa qoralkan lagaga dalbanayo in hubkiisa soo wareejiyo ayaa dadka siyaasada u dhow ku fasireen in xiriirka uu la leeyahay Ra'isal wasaaraha Somalia Nuur Cadde uusan wanagsaneyn.
Dhinaca kale Ra'isal wasaare ku-xigeenka DF ah isla markaana ah Wasiirka Isboortiga Axmad Cabdi Salaan ayaa hadal uu saxaafada u jeediyay asbuucii hore ku sheegey in maamulada gobolada Somalia dib loo habeynayo kaas oo uu ku jiro gobolka Banaadir.
Maxamad Dheere ayaa hadalka ka soo yeeray Axmada Cabdi Salaan si kulul uga jawaabey isaga oo ku tilmaamey mid lagu deg degay.
Axmad Cabdi Salaaan oo horey u ahaan jirey milkiilaha Idaacada Horn Afrik ayaa la aaminsan yahay in si aad ah isugu dhow yahay Ra'isal wasaare Nuur Cadde.
Siyaasada Nuur Cadde oo ku wajahan dib-u heshiisiinta ayaa ah mid aad uga fog tan Gudoomiyaha gobolka Banaadir.