Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM
Documents
Qoraal: Xisbi Shacabka Somaliyeed


Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu akhrite/akhrisato,

Walaalayaal, Waxyaabaha ugu wacnaa amaba nagu dhaliyey in aan abuurno Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed  waa sida tan:
 
Waxaa marka hore mahad iska leh ALLE subxana watacala,isla markaasna nagu toosiyey amaba nagu baraarujiyey in aan qoraal u soo gudbino Umadda Soomaliyeed meel kasta oo ay kala joogto, anoo oga waramaya Xisbiga Shacabka Soomaliyeed waxa ku kalifay,waxa ay damacsan yihiin haatan iyo waxa ay ka doonayaan Shacbiga Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Waxaa nagu jaribay in aan abuurno Xisbiga Shacabka Soomaliyeed waxaa jawaabtu tahay ma'aheyn inaan doonayno inaan badalno wixii la abuuray,ma'ahan in aan darajo doon aan nahay,ma ahan in aan kursi doon nahay,ma'ahan inaan maslaxad nin khaas ku ah ama dad khaas u ah in aan daba socono.
 
Xisbiga Shacabka Soomaliyeed wuxuu u jeedaa in uu dhibsaday dhibaatooyinka badan ee ka dhacaya dalka oo ay ka mid yihiin dagaalada ka socda dalka ee aan loo aabayeeleyn qofna,barakaca,dilka,dhaca,kufsiga,xaalufinta deegaanada,qabyaalada,laaluushka,qaraabakiilka,ay ka mid ahaayeen qaadacu dariiqa, ay ka mid ahaayeen tuugada,ay ka mid ahaayeen waxa nidaam xumada ah,ay ka mid ahaayeen diin la'aanta iyo iimaan la'aanta ka dhacday wadanka,oo ay ka mid ahaayeen ninkasta in uu u dareeray xaaraanta isagoo xalaasha ka wareegsanaya ee ogna ay tahay Xukun sidii xaqa ahaa oo in lagu wado oo ay aheyd in aan lagu wadin.
 
Dhibaatooyinkaas iyo kuwo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin oo Ummadda Soomaaliyeed  aad ku cilmi leedihiin oo ay ka mid yihiin wixii dadka Shacbiga Soomaaliyeed uu lahaa oo Xoolihiisa ahaayeen waajibkuna ahaa in marna laga soo uruursho,marna si xalaal ah loogu qeybsho in loogu takarfalay dariiq aad iyo aad oga durugsan wixii danaha Dalka,Dadka,Diinta iyo Duunyada ahaa. Waxaana taas la mid ah Deeqda ay Hayadaha ku meel gaarka ahi ka helaan Beesha Caalamka oo ay aheyd in loogu adeego danaha Dalka iyo Dadka oo iyana lagu takarfalay si xun.
 
Akhristayaal, waxay dhasheen waxaasu markii la isku soo uruuriyo awalan in Dalkii,Dadkii,Diintii iyo Duunyadiiba in la gatay
Waxaa nagu kalifay intaas bay ahaayeen.
 
Hadaba, waxaa aan dooneyno oo ay tahay Himilada Siyaasadeed waa inaan ALLE subxaana watacalaa talo saarano, isla markaasna waxa aan soo tilmaanay aan baabi'ino, anagoo iskaashaneyna Shacbiweynaha Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan.
 
Xisbiga Shacbiga Soomaaliyeed wuxuu doonayaa inaanu ka dhigno dalka Dal Sharci ku dhisan iyo kala Danbeyn.
 
Inaanu dadkii ka dhigno dad sharciga u hogaansan oo ciso iyo dhowrsano,nin iyo nin ahaan ay ka dhaxayso. Hayad iyo Hayad ahaana ay ka dhaxayso,caamiyadana ay ictiqaadsan tahay in uu laga maarmaan yahay.
 
Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed wuxuu doonayaa in aan Qabyaalada,Musuqmaasuq,Cadaalad darada,Eexda in aan baabi'ino.
 
Waxaan dooneynaa in aan ku tilaabsano in aan kalsooni ka dhex abuurno Shacbiga Soomaaliyeed.
 
Waxaan dooneynaa in aan baabi'ino qaraabakiilka.
 
Waxaan dooneynaa in aan baabi'ino Qabiilkii xumaa ee ALLE subxaana watacalaa noo qeexay in aan isku aqoonsano oo aan u rognay in aan isku dulmino oo la'inaga soo galay oo ajnabigu markay rabaan iney na haleeyaan ay ku tiirsan jireen ay sabab ka dhigan jireen sida tan:
 
"Adigu Qabiilkee tahay? Adigu Xagee ku dhalatay? Adigu kee tahay? Hebel ma waxbaa isu tihiin? Hebel wax buu kaa sheegaa? Maxaa sababtee u tahay? Inuu kaa hormaruu rabaa? Inuu idinka hoos maro ayuu rabaa"? wixii ay tixi jireen nimankii gumeystayaalka ahaa oo haatana ayagoo midabo kala duwan leh uu masawirkooda beenta ahi inala joogo ee maskaxdooda iyo caqligooduna yahay baabi'inta Soomaaliyeed.
 
Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed wuxuu rabaa inaanu baabi'ino amaba aan tirtirno hadii ALLE subxaana watacalaa noo idmo meeshii ee dadka ama aan isku kalsooneyn ama aan iimanka laheyn amaba adeegayaalka Ajnebiga (shisheeyaha) ah amaba Ajnebiga naftiisu ay ka soo geli jireen inaanu awdno oo Soomaaliweyna ay barbar isu raacdo,kuwaas waxaa miskiinka ahna taabacsan aanu geed cidla ah ku xirno dadkuna ay u muuqdaan kuna ceebeyno.
 
Hadaan nahay Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed waxaan dooneynaa in Soomaali kala nabad gasho,dhaqaalaha dalka inuu hore u kaco,horumar dhan kasta la gaaro.
 
Waxaan dooneynaa inaan hore u kicino Qowmiyada la yiraahdo Soomaali,la yiraahdo midnimo,la yiraahdo waxwada qabsi,la yiraahdo wada noolaan,la yiraahdo Islaamnimo in ay dhalato.
 
Waxaan dooneynaa in aanu ku beerno Shacabka Soomaaliyeed iney ceeb tahay Xanta, Afmiishaarneynta,Beenta,Faaqidaada, Jaajuska iyo waxa khashinka ah oo aakharo iyo aduunba ku fool xun.
 
Waxaan dooneynaa Diinta Islaamka oo aynu u nasibtinimo sheeganeyno  amaba aynu heysano oo la haleeyey oo loo bandhigay ninkasta inuu ku cayaaro inaanu xooga aynu heysano ku gees istaagno oo ay Diintu ay noqoto gundhiga Shacabka Soomaaliyeed.
 
Waxaan dooneynaa inaan ishaarno ku dhaqaaqno horu kaca geedi socodka nabada dalka iyo dadka dhan kastaba ha laga eegee.
 
 
Hadaba, hadaan nahay Xisbiga Shacbiga Soomaaliyeed waxaan marka hore weydiisaneynaa Shacbiga Soomaaliyeed ee jooga dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba guud ahaantiisa mid Miyi jooga,mid Magaalo jooga,mid Mutacalin ah,mid Duur jooga,mid Naafa ah iyo Midaan aheynba, mid Caafimaad qaba iyo Midaan Caafimaad qabin,mid Beeraley ah, iyo mid Reer Guuraa ahba in aad Xisbiga Shacabiga Soomaaliyeed aad gacan siisaan amaba aad taageertaan,shakina iigama jiro hadii ALLE subxaana watacalaa idmo Shacbiga Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ee uu ka kooban yahay meel uu joogaba in uu taageero iyo kalsooni u fidin doono Xisbiga Shacbiga Soomaaliyeed, anagoo dhan in aan ku talaabsano anagoon waqti dambe inaga lumin,anagoo garaney micnadaradeeda waxa la yiraah Afmiishaareynta, Qabyaalada iyo hadalkii aan qiimaha laheyn inaanu xooganaga,maskaxdanada iyo xoolahanaga inta isku uruurino dalkeena iyo dadkeena oga faa'iideyno horumarintiisa,dhaqaalaha dalkana hore u marino.
 
Xisbiga Shacbiga Soomaaliyeed (X.S.S.) waa mid u furan Shacbiweynaha Soomaaliyeed kana madaxbanaan Qabiil.
 
Qore: Hon:Sharmarke Maxamed Xaashi,
sgaani@gmail.com

RELATED:
IGAD Leaders Talk Tough on Somalia
Somalia government signed ceasfire agreement with the opposition in Djibouti
Jahawarerka dhaqalaha maxaa sababey?

Advertisement
 

Puntland offers up a Range of possibilities

EDITORS PICK:

Islamists threaten attack if Kenya deploys troops
KISMAYO, Somalia Nov 20 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us