Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jul 15, 2008 - 6:38:14 AM
Documents
UN-ka oo ka hadlay amaanka Somalia


AKHRI: [ Qoraalka kooxaha mucaradka]

Qoraal uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi isku duwaha howlaha gargaarka aadamnimo ee Somalia Mr. Mark Borden ayuu ku sheegay in xaaladda amaan ee Somalai ay ka sii darayso, ayna ka walaacsan yihiin shaqaalaha gargaarka ee ku sugan gudaha Somalia.

Mr. Borden, wuxuu walaac ka muujiyay dilalka lala beegsanayo shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Somalia iyo kuwa NGO-yada oo uu sheegay in si bareer ah loo tooganayo, wuxuuna sidoo kale soo hadal qaaday shacabka ka lalaynayo.

"Shaqaalaha gargaar ee lagu dilay sanadkaan oo keliya gudaha Somalia waxay gaarayaan 19-qof, waxaana loo toogtay si axmaqnimo ah" ayuu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay Mr. Mark Borden.

Xiriiriyaha UN-ka u qaabilsan howlaha gargaar aadamnimo ee Somalia Mark Borden, ayaa yiri: "Waa mid aan suurogal ahayn in shaqaalaha gargaarka ee UN-ku ay u adeegaan dadka baahan ee xaaladaha aadanimo ay haystaan, maadaama la beegsanayo".

"Sidoo kale waxaan ka walwalsannahay kororka rabshadaha ka jira Somalia oo aad u batay sannadkaan oo keliya, iyadoo tacadiyo kala duwan loo geysanayo dadka rayidka ah" ayuu yiri Mr. Borden.

Hadalka Mark Borden ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta ay ka dhaceen mudaaharaadyo ay dhigeen dadka ku barakacay daafaha Muqdisho gaar ahaan jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho; kuwaasoo ka cabanayay dilalka iyo afduubyada lagu hayo shaqaalaha gargaarka.

Dhinaca kale waxaa warsidaha GO soo gaarey qoraal kooxaha mucaaradka ah u direen hay'adaha QM ee ka howlgala Somalia iyada oo aysan cadeyn sababta xafiisyada ay Nairobi ku leeyihiin digniintaan ugu gudbin waayeen dadka Somalida ah ee lagu diley Muqdisho iyo gobolda kale ee dalka.

Garowe Online,Muqdisho
RELATED:
Akhri qoraalka Guddiga dhaqaalaha Puntland
Qoraal: Xisbi Shacabka Somaliyeed
Full script of Obama's speech in Berlin

Advertisement
 

Somalia: Anarchy-Cursed Nation Looks to Bottom-Up Rule

EDITORS PICK:

Somalia: President approves oil deal as PM rift continues
KUWAIT CITY, Kuwait Aug 19 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us