Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 15, 2008 - 8:44:08 AM
Documents
Daawo sawaradii dagaalkii ka dhacay Hiraan


Waxaa maanta gabi ahaanba degan goobihii maalintii shalay ay ka dheceen dagaaladii ugu cuslaa gobolka Hiiraan kadib markii koxaha ka soo horjeda jogitanka ciidanka  Ethiopia weeraro ku soo qaadeen ciidamada maamulada Hiraan iyo Shabeelada Dhexe
     
Degmada Buulo Burte iyo Tuulada Halgan oo aan safar shaqo ku tagay [Wariyaha Garowe Online] maalintii shalay ayaa la kowsaday dagaalkan sida aadka ah u qaraaraa kaasoo u dhaxeeyay xoogaga taabacsan Maxaakiinta Islaamka iyo ciidamada Labada da gobolka ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
     
Dagaalkan oo aan waxbo laysku reebanin islamarkaana laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kal duwan ayaa tuulada Halgan waxaa ku dhintay 1 qof oo rayid ah kaasoo rasaas habow ah kula dhacday meel aan ka fogeyn goobta lagu dagaalamayay walow 4 qof oo rayid ahna ay ku dhaawacmen hadana waxaana jirto qasaare labada dhinac soo kala gaartay taasoo aanan la xaqiijin karin
     
Dagaalkan shalay aan kula kulmay degaanka Halgan ayaa waxaa kaloo uu sababay in dhamaan goobaha ganacsiga ee tuuladaasi ay xirmaan waxaa kaloo dagaalkaasi uu keenay qax faro badan iyo cabsi xoogan taasoo laga dareemayo tuuladaas..
     
Dhinaca kale degmada Bulo-Burte oo aan iyana tagay dagaalka intii uu socday ayaa waxaa jirtay qasaaro aad u xoogan oo ka duwan kan tuulada Halgan waxaa halkaasi ku dhintay dad gaaray ilaa 10 ruux kuwaasoo isugu jiray 7 askarta dowlada ah oo uu ku jiro darawalkii gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabo-geed, 2 rayid ah iyo 1 qof oo ka tirsan xoogaga Maxaakiinta waxaa kaloo jirtay qof ka dhaawacmey dagaalkaas oo ka tirsan xoogaga Maxaakiinta .
     
Dagaalka degmada Buulo-burte ayaa ciidamada dowlada ee 2-da gobol waxaa looga qabsday ilaa 6 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo qoryo badan oo kuwa daran dooriga u dhaca ah iyo kuwo kale.

Dhinaca kale marka loo eego qasaaraha 2dan dagaal inkastoo ay kala duwan yihiin hadana waxaa jirto in ay kala cuslaayeen oo waxaa aad u xooganaa dagaalka ka dhacay tuulada Halgan.
     
Hotelkii ay daganaayeen mas'uuliyiinta 2da gobolka ee degmada Bulo-Burte ayaa wxaa ka dhcay boob walow mas'uuliyiinta Gobolka Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe si dirqi ah uga baxsadey halkaasi iyagoo cagtooda maalay maadaama gawaaridii ay wateen intooda badan lagala haray.
     
Degamada Bulo-Burte ayaa shalay ilaa xalay daganaansho la'aan ka jirtey oo waxaa jirtay baqdin aad u weyn oo ah in dagaalka kale uu halkaasi ka dhaco maadaama ciidamada Labada gobol ee laga awood roonaaday aysan ka fogeyn degmada.

Waxaan indhahaygu ku arkay dad badan oo isaga cararaya guryahooda kuwaasoo ka baqdin qaba in dagaalkii shalay mid ka weyn uu dhaco inta badan magaaladu waa xirneyd.

Ciidamada tageersan Maxaakiimta ayaa xalay saqdii dhexe isaga baxey magaalada iyada oo aan la aqoon meesha ay wajaheen.

Saakay ayaa waxaa degmada Buulo-burte soo galey ciidamo Ethiopian ah kuwaas oo watey 8 Baabuur oo kuwa dabaabadaha ah waxaana la socday ciidamada maamulada 2-da gobol kuwaas oo waqti yar kadib u ambabaxey Baladweyne.
     
lyaas Guute,Garowe online
B/weyne

RELATED:
PL: Akhri Dasturka la diidey
Leaked U.S. Military Manual: How to Train Death Squads from San Salvador to Iraq
Agreement between Transitional Federal Governament and the Allaince for Re-Liberation of Somalia

Advertisement
 

Somalia: Continuing to fail

EDITORS PICK:

Pirates in total defiance of the UN in Somalia
NAIROBI, Kenya July 5 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us