|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 23, 2011 - 2:27:50 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Xeer-ilaaliyaha DF oo qoraal soo saarey
20 Oct 20, 2008 - 4:03:38 AM
|
Warsidaha Garowe Online ayaa waxaa u suurtagashay inuu helo qoraal cinwankiisu ahaa
Boobka lacagta dowladda, inkiraadda shuruucda maaliyadda dalka & diidamada Isticmaalka lacagta shilin Somaliga kaasoo Oct 7,2008 kasoo xafiiska Xeerilaaliyaha guud ee qaranka Somalia.
Qoraalkan oo tixraacayey wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Somalia Cabdulahi Yusuf 4 Sept, 2008 [ JS-XM/036/09/2007] taasoo amar lagu bixiyey in aan la bixin karin wax lacag ah dowladed ah meel kasta ha taalee sida xisabta guud ee dibadda, kuwa bankiyada dalka iyo weliba midda ay hayaan hay'adaha soo ururiya dakhliga.
Xeerilaaliyaha ayaa qoraalkiisa saldhig uga dhigey in saraakiil hoose oo ka tirsan wasaaradda maaliyada dhag jalaq u siin waydey amarka Madaxweynaha kuwaasoo uu sheegey iney sii wadeen ku takri-falka lacagahaas.
Dhinaca kale warbixinta Xeerilaaliyaha ayaa lagu xusey in wasaarada maaliyadda ay diidey in ganacsatad Somaliyed cashuurta kaga qaadato shilin Somaliga taasoo ku tilmaamey iney sabab u tahay sicir bararka islamrkaan waxaa uu isweydiiyey sababta iyo ujeedada ka dambeysa amarkaas.
Madaxa xafiiskan ayaa sheegey in marka la eego qodobka 241 ee xeerka ciqaabta kaasoo sheegaya xatooyada xoolaha dadaweynaha iney lagama maarmaan tahay in maxkamad la horkeeno dhamaan mas'uuliyiinta xukuumadda iyo shaqalaha wasaarada maaliyada ee ku howlan waxaa uu ku tilmaamey fal qaran dumis ah.
Wargalin: Warar soo gaarey Garowe online ayaa sheegaya in maalintii shaley 18 Oct,2008 kulan uu shir gudoominayey Ra'isal wasaare Nuur Cadde kaasoo dhexmarey golaha Wasiirada lagu go'aamiyey misaaniyada dowlada 4 sano kadib markii lagu soo dhisey Nairobi.
Xubnaha sare ee dowlada gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha ayaa tan iyo intii lagu dhawaqey shirka IGAD ee Nairobi iyo canaantii ka timid xukuumada Meles Zenawi waxaa ka muuqata isu-soo dhowaansho aan horey loo arkin iyada Nuur Cadde uu aqbaley la shaqeynta 10 Wasiir & 3 ku-xigeen.
Qoraalkaan oo ah mid dheer ayaa akhristyaasha ku wargilneynaa inuu ka kooban yahay 8 Bog oo u qoran [
pdf format] "amaanka awogiis ayaan ugu qorney.
AKHRI:
1 2 3 4
5 6 7 8
Garowe Online,Garowe
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|