|
|
|
|
| Last Updated: Jan 29, 2009 - 2:03:32 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Musharax Adam oo ku sugan Norway
19 Nov 19, 2008 - 8:34:22 AM
|
 |
Musharax Adam Mohamed Esse ayaa safaarada Norway ee magaalada Stockholm, Sweden kula kulmay
Niels Engeschön
(Royal Norwegian Embassy, Minister Counsellor), waxay kawada hadleen
arrimo badan oo khuseeya maamul goboleedka Puntland. Sida kobcinta
dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqul insaanka, horumarinta arimaha bulshada,
adkaynta nabadgalyada iyo dimoqaraadiyada. Waxay kaloo kawada hadleen
doorashada dhawaan kadhici doonta Puntland oo Adam Mohamed Esse ka mid
yahay musharaxiinta ku loolamaysa.
Waxaa kulankaas goobjoog ka ahayad
Sureer Abshir Haamaan oo horay u ahaan jiratay qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Britain (UK).Sidoo kale
Musharax Adam Mohamed Esse wuxuu la kulmay kuxigeenka duqa magaalada Stockholm (vice-mayor)
Ann-margareth Livh
oo qado sharaf ugu samaysay aqalka laga maamulo caasimada dalka Sweden
ee Stocholm, ka dibna ay ka wadahadleen sidii golayaasha degmooyinka
Puntland aqoontooda maamul kor loogu sooqaadi lahaa sida in siminaaro
aqooneed loogu keenilahaa Stockholm. Sidoo kale ayay waxay isla soo
qaadeen labadan masuul sidii loo matanayan lahaa magaalooyinka Sweden
iyo kuwa Puntland.
W/Q: Musharax Adam Esse
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|