From Garoweonline.com

Puntland Election
Musharax Adam oo ku sugan Norway
By
Nov 19, 2008 - 8:34:22 AM

Musharax Adam Mohamed Esse ayaa safaarada Norway ee magaalada Stockholm, Sweden kula kulmay Niels Engeschön (Royal Norwegian Embassy, Minister Counsellor), waxay kawada hadleen arrimo badan oo khuseeya maamul goboleedka Puntland. Sida kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqul insaanka, horumarinta arimaha bulshada, adkaynta nabadgalyada iyo dimoqaraadiyada. Waxay kaloo kawada hadleen doorashada dhawaan kadhici doonta Puntland oo Adam Mohamed Esse ka mid yahay musharaxiinta ku loolamaysa.

Waxaa kulankaas goobjoog ka ahayad Sureer Abshir Haamaan oo horay u ahaan jiratay qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Britain (UK).Sidoo kale Musharax Adam Mohamed Esse wuxuu la kulmay kuxigeenka duqa magaalada Stockholm (vice-mayor) Ann-margareth Livh oo qado sharaf ugu samaysay aqalka laga maamulo caasimada dalka Sweden ee Stocholm, ka dibna ay ka wadahadleen sidii golayaasha degmooyinka Puntland aqoontooda maamul kor loogu sooqaadi lahaa sida in siminaaro aqooneed loogu keenilahaa Stockholm. Sidoo kale ayay waxay isla soo qaadeen labadan masuul sidii loo matanayan lahaa magaalooyinka Sweden iyo kuwa Puntland.

W/Q: Musharax Adam Esse



http://www.garoweonline.com