From Garoweonline.com

Puntland Election
Guddiga dorashada PL oo gudbiyey liiska murashaxiinta
By
Jan 6, 2009 - 1:05:34 PM

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa saacad ka hor soo saaray [7 Jan,2008]  magacyada Musharaxiinta ka qeybgaleysa doorashada Madaxtinimada Puntland ee 08-01-2009.

Warqad qoraal oo ka soo baxday Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in musharaxiintan ay u banaan tahay ka qeybgelka tartanka doorashada Madaxweynaha MGPL iyo kuxigeenkiisa, waxaana mas'uuliyiintasi ka mid ah magacyadooda:

Madaxweynaha MGPL Cadde Muuse Xersi, C/raxmaan Maxamed Faroole, Gen. Cabdullaahi Axmed Ilka-jiir, Cumar Xaashi Farjac, Nuuraddiin Aadan Diiriye, Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, Cali Cabdi Awaare iyo Eng.Nuur Xasan Farax.

Guddiga doorashada waxay kaloo ay soo gudbiyeen Musharaxiinta u tartameysa xilka kuxigenka Madaxweynaha kuwaasi oo tiradoda ay gaareyso Lix musharax oo kala ah:

Saleban Ciise Axmed [ Xagla toosiye] , Cali Bashi, Xasan Daahir Afqurac, Muxiyaddiin Cali Yuusuf, Maxamed Xaaji Aadan iyo Gen. C/samad Cali Shire.

Dhamaan mushaxariintan aya u soo gudbay ka qeybgalka dooashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland oo hal maalin qura ay ka harsan tahay.

Barlamanka ayaa ka qaadayey murashaxiinta lacago iyada xubnaha u tartamaya xilka Madaxweynaha laga qaadey $5000 halka kuwa u tartamaya ku-xigeenka laga qaadey $2500.

Radio Garowe,Garowe



http://www.garoweonline.com