Shir jaraa'id oo maanta 07/01/2009 ay ku qabteen Garoowe Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Cali Xersi iyo Taliyaha ciidamada loo xil saaray wax ka qabashada amaanka magaalada Garoowe mudada lagu guda jiro doorashada MGPL oo lagu magacaabo Ceydiruus Xaaji Xersi, waxayna sheegeen in aysan u dul qaadan doonin carqalado laga abuuro magaalada Garoowe iyo in la qalqal geliyo hanaanka ay u dhaceyso doorashada.
Gudomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xersi Cali Qarjab ayaa ku eedeyay Musharaxiinta kala ah Aadan Ciise Maxamed Gaadaale, Muxiyaddiin Xaaji Yuusuf iyo Nuuraddiin Aadan Diiriye in ay magaalada ku soo daabulayaan ciidamo iyo tikniko, isla markaana ay doonayaan in si sharci daro ah ula dhex maraan magaalada hub iyo tikniko horay loo mamnuucay, taasoo uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin isla markaana ay si wada jir ah ugu hortegayaan qof walba oo wax u dhimeysa amaanka iyo xasiloonida.
"Qofkii baabuur tikniko la soo baxa maalinta doorashada dhaceyso waxaan u aragnaa kuwo filunaya qaraxyo" ayuu yiri Mr. Qarjab oo intaa raaciyay in aan laga yeeleyn shaqsiyaadka ciidamada faraha badan iyo tiknikada soo gelinaya magaalada Garoowe ina ay la dhex maraan magaalada, ayna si wada jir ah ugu hortagayaan, wuxuuna ugu baaqay musharaxiintaasi in ay dadkooda u turaan, hadii ay doonayaan-na xilka Madaxweynenimada si nabadgelyo ku qabtaan.
Taliyaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yiri "Habeen hore Musharax baa i soo wacay, wuxuuna yiri ma og tahay Afar Tikniko ah ayaa ii soo gashay" ayuu yiri Taliyaha ciidamada amniga Ceyduruus oo intaa raaciyay in ay jiraan Musharaxiin ku sugan magaalada Garoowe ay ciidamo laga soo aruriyay tuulooyinka ay soo geliyeen magaalada Garoowe.
"Ninkii inan qaxno raba Wallaahi Billaahi maka yeleyno isagana ku dhimanaya, rasaas ayaana kala hortageynaa" ayuu yiri Cayduruus oo digniin kulul u jeediyay Musharaxiinta ciidamada iyo tiknikada soo gelinaya Garoowe.
Warsaxafadeedkaan ayaa sababey in ay ka jawaabaan murashaxiinta eedynta loo soo jeediyey qaar ka tirsan. Ka Akhri Halkan
RADIO GAROWE