Taagerida shirka dib u-heshiisiinta ee Jabuuti
Soomaaliya waxay gaartay meel halis ah oo jiritaankeedu muran galay kadib marki ururo qabiil ee hubeeysan ay horseeden dagaal an dhameeystir laheyn islamarkaana la ogaadey in xoog cid wax ku meeel marsan karta aanay jirin. Waxana caddaatay in wada xaajood nabadeed u noqday dariiqa furan ee kaliya si loo helo nabad caddaalad ku dhisan ee waarta. Waxaana hadda jidka u jeeda Shirka Jabuuti oo xal si nabad ah ku radinaya, fadlan taageer nabda Soomaaliya.
|