From Garoweonline.com
AU oo kordhinaya kaalinta Hawenku ku leyihiin Sayniska
By
Sep 5, 2007 - 10:12:55 AM
Shir ay soo qabanqaabiyeen Midowga Africa oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah,
oo
looga hadlayey kaalinta ay haweenka Africa ku leeyihiin culuumnta
sayniska iyo tiknoolajiyada, ayaa toddobaadkii hore ka furmay magaalada
Johansberg ee dalka KoonfurAfrica.
Shirkan oo saddex
maalmood soconayey, ayaa waxaa ka soo qayb galay dumar khubaro ku ah
culuumta sayniska iyo tiknoolajiyada, kuwaasoo ka doodayey sidii ay uga
qayb qaadan lahaayeen horumarka Africa.
Botlehale Pema, oo
xagga arrimaha Africa kala talisa Wasaaradda Sayniska iyo
Tiknoolajiyada ee dalka Koonfur Africa, ayaa shirkaas uga warrantay
wariyaha qaybta Africa ee VOA-da, waxayna tiri:
“Shirku wuxuu isu
keenay saynisyahanno ka kala yimid 53-da dal ee ka tirsan Midowg
Africa. Ujeedada laga leeyahayna waxay tahay in loo kuur galo
waxyaabaha ka hor taagan dumarku in ay kaalin wax ku ool ah ku yeeshaan
xagga sayniska iyo tiknoolajiyada, kadibna la helo qorshe dhibaatadaas
xal loogu raadinayo,” ayeey tiri Pema.
Isku dheelli tirnaasha la’aan jirta
Botlehale waxay
sheegtay in, inkastoo shirku yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah,
haddana uu Midowga Africa waayadan dambe daraasadaynayey isku
dheellitirnaansha la’aanta dumarka ka haysata dhanka sayniska iyo
tiknoolajiyada.
“Shir madaxeedkii
bishii January ee looga hadlayey horumarka xagga sayniska iyo
tiknoolajiyada ayaa goo’aannada lagu gaaray waxaa kamid ahaa in la
kordhiyo dumarka iyo dhallinyarada barata sayniska iyo tiknoolajiyada.
Sidaas awgeed, shirkani waa mid sii amba qaadaya kii hore. Waxaan ugu
baaqnay dhamaan haweenka African-ka ah, ee ku takhasusay sayniska iyo
tiknoolajiyada, ineey isku yimaadaan oo ka hadlaan arrinkan,” ayeey
tiri Pema.
Inkastoo haweenku ay
yihiin kala bar oo bar dadka ku dhaqan Africa, haddana dhinac walba
marka la eego weey ka liittaan ragga, gaar ahaan xagga sayniska iyo
tiknoolajiyada.
“Waxeey ila tahay
inaan marka horeba la’anahay hannaankii aan ku tirakoobi lahayn
haweenka ka shaqeeya sayniska iyo tiknoolajiyada. Laakiin guud ahaan,
marka la eego dalka Koonfur Africa oo kale, 36% dadka sayniska iyo
tiknoolajiyada ka shaqeeya waa dumar. Sidaas awgeed, waxaan
dareensannahay in xoogga la saaro oo cilmi baaris badan lagu sameeyo
caqabadaha jira, si markaas loo abuuro mashruucyo wax looga qabanayo,”
ayeey tiri Pema.
Kaalinta haweenka waxbartay
Qabanqaabiyayaasha
shirku waxeey kaloo ku rajjo weyn yihiin ineey helaan haween African
ah, oo ku takhasusay sayniska iyo tiknoolajiyada, oo ay ku dayan karaan
gabdhaha doonaya ineey maaddooyinkaas bartaan.”
“Haweenka lagu marti
qaaday shirkan ayaa ah kuwa ku dayasho mudan, maxaa yeelay waxeey guulo
ka soo hooyeen meelo lagu hoobtay. Waxaan ku rajo weynahay ineey
haweenkani dalkooda ku laabtaan oo ay hirgaliyaan mashaariicda laga
hadlay, isla markaana ay dhalinyarada dhiiri galiyaan oo ay aasaasaan
ururro xagga sayniska iyo tiknoolajiyada ah oo ay haweenku leeyihiin,”
ayeey tiri Pema.
Bolthale waxeey
sheegtay inuusan wali wakhtigii ka dhamaan qaaradda Africa, si arrinkan
waxa looga qabto. Waxeey sheegtay in Midowga Africa uu guud ahaan
arrimaha horumarka ahamiyad gooni ah siin doono, laakiin haweenku ay
noqonayaan kuwa si gaar ah muhiim ugu ah hormarka qaaradda Africa.
Waxeey intaas
raacsiisay in Midowga Africa uu isla meel dhigay in horumarka xagga
sayniska iyo tiknoolajiyadu ee qaaradda Africa ay tahay in si weyn wax
looga qabto.
Xigasho/VOA-Partenrs with RG