Cilmi
baarayaal Maraykan ah oo kaashanaya ganacsato dhaqaale fara badan
haysata ayaa billaabay mashruuc ay Computer-ka Laptop-ka, oo ah kuwa la
sidan karo, ugu deeqayaan carruurta danyarta ah ee dhigata iskuullada
ku yaalla dalalka saboolka ah. Qiimaha Computer-kan ayaa noqonaya mid
aan ka badnayn $100.
Tijaabooyin
laga sameeyey dalalka Cambodia iyo Brazil ayaa muujiyey in xiisaha ay
carruurtu u qabaan Computer-kan uu cirka ku shareeray ardayda doonaysa
inay waxbartaan.
Billowgii mashruuca
Mashruucan
wuxuu maskaxdiisa ka soo maaxday Professor Nicholas Negroponte, oo
macallin ka ah jaamacadda sida wayn loogu qaddariyo dhanka
tiknoolajiyada, waa Massachusets Institute of Technology, ama MIT,
oo ku taalla magaalada Boston ee cariga Maraykanka.
Sanadkii
1999 ayay qoyska Prof. Negroponte iskuul ka fureen tuulo ku taalla
dalka Cambodia, halkaas oo ay ku rakibeen matoorro korontada dhaliya
iyo diish ama sattelite soo jiidda xiriirka Internetka.
Dhowr
bilood kadib, carruurtii ka ag dhawaa tuulada ayaa billaabay inay
iskuulkaas raxanraxan ugu soo qulqulaan. Carruur aan waligood xitaa
koronto arag ayaa durbadiiba billaabay inay dhex jibaaxaan badweynta
Internetka.
“Tuuladu
ma lahan koronto iyo taleefon iyo taleefishin midna, sidaas oo ay
tahayse, carruurtu waxay iskuulka u qaataan computer leh xiriirka
Internetka,” ayuu yiri Negroponte.
Prof.
Negroponte wuxuu billaabay inuu ku fekero in haddii computerkan yar, oo
marka kor laga arko la moodo alaabta carruurto ku cayaaraan, lagu
asqeeyo dhulka saboolka ah, ay carruur badan oo waxbarasho la’aani
dilootay xiiseyn lahaayeen iskuullada.
Hay’adda
Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo dhaqanka ayaa ku
qiyaaastay in carruur ka badan 500 oo milyan ay waxbarasho la’aani ku
hayso dacallada dunida, gaar ahaan dalalka saboolka ah.
Prof.
Negroponte ayaa markaas intuu fasax ka qaatay shaqadiisa, curiyey
hay’ad aan faa’iido doon ayahn oo la yiraahdo “One Laptop Per Child,”
ama “hal computer cunuggiiba.”
Laakiin
waxaa u caddaatay inuusan computerrada caadiga ah ee qiimohoodu kor u
dhaafayo $2,000 ee dollar uusan deeqsiin karin malaayiinta carruurta ah
ee waxbarasho la’aantu hayso.
Computer $100 jooga
Sidaas
awgeed ayay ku dhalatay fikradda ah in la sameeyo computer loogu yeero
“Computer-ka $100 jooga,” kaasoo loo farsameeyey inuu ku badbaado isla
markaana ku shaqeeyo dhul aan nadiif ahayn, oo walibana ay korontadiisu
xaddidan tahay. Injineeradii dhisay waxay si gaar ah masxkaxda ugu
hayeen carruur, markii ay dhisayeen computer-kan. Batarigiisu wuxuu
shaqayn karaa 13 saacadood oo xiriir ah, haddii biyo lagu dhex ridana
howlgalkiisu waxba isuma dhimayaan.
Waxaa
intaas sii dheer in batarigiisa la kaarikayn karo iyadoo aan koronto la
isticmaalin. Wuxuu leeyahay dhag la qabto oo la wareejiyo. Halkii
wareeg-ba wuxuu dhalinayaa 10 daqiiqo oo awood batari ah.
Guud
ahaan, tiknoolajiyada loo isticmaalay computer-kan waa mid aad uga
saraysa midda computerrada caadiga ah loo isticmaalo. Tusaale ahaan,
computerkani ma lahan marawaxdaha iyo matoorrada yaryar ee gudaha
computerrada kale ku jira ee wareega, kuwaasoo si weyn u isticmaala
batariga.
Xiriira Internetka
Dhanka
xiriirka Internetka, computer-ku wuxuu leeyahay anteena yar oo sidii
raadiyaha oo kale hadba dhinac loo jeedin karo, si uu qofku u helo
xiriirka ugu wanaagsan ee Internetka. Taas wuxuu uga duwan yahay
computarrada caadiga ah, oo isticmaala qalab yar oo ku dhex jira
matoorka computer-ka, kaasoo soo qabta mowjadaha internetka, laakiin
isticmaala batari fara badan.
Mararka
qaarkood, waxayba qoysaska aan korontada lahayn iftiinka computerkan u
isticmaaleen sida nalka oo kale, iyagoo gurigooda ku iffiya.
Carruurta
isticmaashay computerkan waxay si gaar ah ula dhaceen kaamirada ama
sawir-qaadaha ku rakiban, oo inteey isku sawiraan u diri karaan
asxaabtooda ama qaraabadooda joogta cirifka kale ee dunida.
Mar Prof. Negroponte la waydiiyey sababta uu Computer-kan u siinayo carruurta aan iskuullada dhigan wuxuu ku jawaabay:
“Haddii
aysan iskuul dhigan ayaaba ugu haboon in la siiyo. Computerkani waa
iskuulkii oo sanduuq ku dhex jira,” ayuu yiri Negroponte.
Mashruucan waxaa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqay shirkado Mareykan ah oo waaweyn, sida Google iyo Intel.
Carruurtu ma is bari karaan computer-ka?
Prof.
Negroponte wuxuu ku doodayaa in carruurtu ay iskood isku bari karaan
qaabka loo isticmaalo computer-kan, oo aysan u baahnayn macallin.
Laakiin
dadka qaar ayaa taas ka biyo diidsan. Wayan Vota, waa agaasimaha
Geekcorps, oo ah hay’ad tiknoolajiyada casriga ah gaarsiisa dalalka soo
koraya.
“Haddii
aad biyaano u dhiibtid cunug yar, wuu ka dhawaajin karaa, laakiin miyuu
awoodayaa inuu musik rasmi ah garaaco? Sidoo kale, haddii aad computer
u dhiibtid caruur yar, wuu ka shaqaynsiin karaa, laakiin dhab ahaantii
macallin la’aan miyuu baran karaa?” ayuu is weydiiyey Vota.
Dad
kale ayaa iyana ku doodaya in carruurta saboolka ah ee Computer-ka loo
gaynayo aysan qaarkood haysan raashin ay cunaan ama meel ay ku hoydaan.
Si
kasta ha ahaatee dowlado ay kamid yihiin Brazil iyo Nigeria ayaa
qiimaynaya inay carruurta iskuulladooda u iibiyaan computer-kan.
Laakiin Prof. Negroponte ayaa ku hammi wayn inuu dhowrka sanadood ee
soo socda uu dunida ku asqeeyo Computer-kan $100 joogaa.
Xigasho/VOA (Partners with RG)