​Qarax baajiyay cayaartii Manchester United iyo Bournemouth

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MANCHESTER- Booliiska dalka Ingiriiska oo adeegsanaya Eyda loo rabeeyay inay baaraan waxyaabaha qarxa ayaa ku guulaystay inay soo saaraan qarax lagu qariyay garoonka kooxda Red Devils ee Old Trafford.

Garoonkaasi ayaa galabta lagu qaban lahaa cayaarta ugu dambaysa horyaalka dalka Ingiriiska, balse waxaa la ogaaday inay jiraan qarax lagu qariyay garoonka, waxaana taageerayaasha loo sheegay in waqtiga dib loo dhigi doono 45 daqiiqo waqtigii rasmiga ahaa.

Laakiin goor dambe ayaa la cadeeyay in gabi ahaanba la baajiyay kulanka, waxaan jamaahiirta labada kooxood si tartiib ah looga daad gureeyay garoonka iyadoo Booliisku si xooggan uga howl galeen.

Baaritaan kadib, waxaa la helay Mobile lagu xiray fiilooyin kaasi oo la sheegay inuu dhalin lahaa qarax, kadibna waxaa loo yeeray kooxda qaabilsan miinooyinka, waxaana ugu dambayn lagu qarxiyay Old Trafford.

Arrintan ayaa abuurtay, walwal xooggan, waxaana saraakiishu sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka waxyaabahan loo sameeyay iyo cidda ka dambaysay, waxaan garoonka lagu soo daajiyay ciidamo xooggan oo gabi ahaan xiray garoonka kooxda United.

Maaha markii ugu horraysay ee cabsi loo joojiyo cayaar kamid ah horyaalka dalalka Yurub, waxaan arrintan bilaabatay, wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Paris ee ka dambaysay kooxda IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM