Ronaldo oo ku guulaystay laacibka FIFA 2017

Image
Image
Image
Image

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay biladda FIFA ee laacibka ugu wanaagsan caalamka ee 2017-ka.

Waa sanadkii labaad ee xiriir ah ee uu ciyaaryahankan biladdaasi uu ku guulaysanayo, taas oo xafladdii lagu bixinayay ay ka dhacday magaalada London.

Weerraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa ka adkaaday labadii ciyaaryahan ee la tartamaysay ee Lionel Messi oo Barcelona u dheela iyo Neymar oo u safta kooxda Paris St-Germain.

Ronaldo oo 32-jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay kooxda Real Madrid inay ku guulaysato Koobka Horyaallada Yurub iyo La Liga-ha Spain.

Lieke Martens oo ka tirsan kooxda Barcelona una dheesha xulka Netherlands ayaa ku guulaysatay haweeneyda ugu wanaagsan kubadda cagta ee sanadkan.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, waxa uu isna ku guulaystay biladda tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha kubadda cagta ee ragga, halka tababaraha xulka kubadda cagta haweenka ee Netherlands, Sarina Wiegman, ay noqotay tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha dumarka.

Weerraryahanka kooxda Arsenal, Olivier Giroud, ayaa ku guulaystay biladda Puskas ee goolkii ugu wanaagsanaa sanadkan, kaas oo bishii Janaayo uu ciribta kaga dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM