​Sevilla oo ku guulaysatay Euro League

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Kulan aad u xiisa badnaa oo xalay dhexmaray labada kooxood ee kala ah Liverpool iyo Sevilla ayaa ku dhammaatay natiijo ah 3:1 oo guushu ku raacday kooxda ka dhisan waddanka Spain.

Cayaartan ayaa qaybtii hore u muuqatay mid labada kooxood daganaan dheelayaan islamarkaana mid walba ilaashanaysay in shabaqooda la taabto, hase ahaatee waxaa gool ku hormartay daqiiqadii 35-aad kooxda waddanka Ingiriiska ka dhisan ee Liverpool, waxaana u dhaliyay xiddigooda weerarka ka cayaara ee Sturridge.

Qaybtii hore ayaa ku dhammaatay 1:0, balse waxay isbadashay wareegii dambe iyadoo kooxda Sevilla soo bandhigtay cayaar cajiib ah, waxayna iska soo gudday goolkii lagu lahaa iyadoo ugu badashay labo kale, waxaan labo kamid ah u dhaliyay xiddigooda Coke, halka mid kale uu shabaqa dhex dhigay Gamiero.

Kooxdan reer Spain  ee Sevilla ayaa sannadkii saddexaad oo isku xigta ku guulaysatay koobka loo yaqaan Euro League.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM