​Van Gaal oo laga cayriyay kooxda Manchester United

Image

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Louis Van Gaal uu kooxda ka baxay isla markaana ay shaacin doonaan go’aanka tababaraha shaqada Old Trafford ka badali doona ninka ree Holland.

Gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward ayaa tababaraha xilka laga qaaday uga mahad celiyay waxa uu ku tilaamay shaqadii cajiibka ahayd ee uu ka so qabtay kooxda labadii sano ee uu maamulyay, isagoo si gaar ah ugu amaanay in Red Devils u horseeday ku guulaysiga koobkoodii 12 aad ee FA Cupka.

“Waxaan jecelahay in Louis iyo shaqaalihiisii uga mahad celiyo shaqadii cajiibka ahayd ee ay qabteen labadii sano  iyo ku gulaysiga barbaraynta rekoodhka koobkii 12 aad ee FA Cupka ee kooxda isaga oo afar wadan oo kala duwan koobab kala soo guulaystay,”Ayuu yiri Woodward.

Louis Van Gaal ayaa soo saaray war saxaafadeed dheer oo uu kaga hadlay bixitaankiisa Manchester United isaga oo sharaf wayn ku tilmaamay in uu ka soo shaqeeyay kooxda uu hadda ka baxay ee Red Devils.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan soo maamulay koox kubbada cagta ah oo  sida Manceher United u wayn, in aan sidaa sameeyay waxaan fuliyay hamigaygii dheeraa. Waxaan si wayn ugu han waynahay in aan Manchester United ka caawiyay ku guulaysiga koobkoodii 12 aad ee FA Cupka ee taariikhda kooxda. Waxaa ii sharaf ah in aan 20 koob ku soo guulaystay waayahaygii tababaranimo, laakiin ku guulaysiga FA Cupka kaas oo taariikh aad u badan leh ayaa noqon doona waxa ugu khaasan ee waayahayga tababaranimo,”Ayuu yiri Van Gaal.

Wuxuu xusay inuu ka niyad jabsanyahay heerka kooxda uga tagay iyo ka miro dhalin la'aanta qorshihiisa saddexda sano.

Joojinta shaqada Vangaal, ayaa kusoo beegantay xilli tababarahasi ku fashilmay inuu kooxda gaarsiiyo heer-wanaagsan, wuxuuna sannadka soo bandhigay cayaar aad u liidata gaar ahaan wareegii hore.

Booskan ayaa loo qorshaynayaa inuu badalo ninka reer Portugal ee Mourinho oo isna dhawan ka tagay shaqada kooxda dalka Engiriiska ee ka dhisan magalada London.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM