Qubanaha ciyaraha iyo ciyaar dhexmartay wariyayasha G/Mudug

Image

Garowe [GAROWEONLINE]-  Barnaamijka Qubanaha ciyaaraha ee Radio Garowe maanta oo Axad ah taariikhduna ay ku beegan tahay 24.August.2014 ayaa waxaa kusoo qaadanay ciyaar maalinkii shalay galinkii danbe magalada Gaalkacyo ku dhexmartay wariyayaasha Gobalka Mudug.

Waxay u kala ciyaarayeen suxufiyiintan Iskuulada RPS iyo Yamayska oo Gaalkacyo ku yaala ciyaarta ayaa ka dhacday Iskuulada Yamayska waxayna ahayd mid aad loo jeclaystay.

Dad kala duwan ayaa usoo daawasho tagay ciyaartan oo lagu tilmaamay mid lagu dhiirigalinayo suxufiyiinta ka fariistay ciyaaraha ee ku biiray kubadda Saliga.

Ciyaartan ayaa kusoo idlaatay saddex gool iyo waxba waxayna guushu ku raacday Kooxda Yamayska gool ka md ah waxaa Yamayska u dhaliyay Gudoomiye ku xigeenka Gaalkacyo Yacquum Maxamed Cabdalla.

Sidoo kale waxan barnaamijkan oo qaybta danbe dhagaystayaasha qadka talleefoonka u furnay ku falanqaynay ciyaartii xalay dhexmartay Everton iyo Arsanal taasoo lagu tilmaamay mid ka mid ah ciyaaraha ugu xiisaha badan ee Ingiriiska.

Sidoo kale Laacibka kooxda Real Madrid Angel Di Maria ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda uu Tababaraha u yahay Louis Van Gaal ee MAN UTD.

Barnaamijkan waxaa soo diyaarshay oo halkan ka tabinaya Cali Cabdi Ducale

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM