Musharaxnimada Cumar Cabdirashid maxaa ka run ah?

Image

Qore: Cabdiweli Xirsi Nuur

Xilli doorashadii madaxtinimada dalka Somalia waxyar ka hartay ayaa waxa soo badanaya musharaxiinta ku soo biraya tartanka waxaana ugu dambeeyey oo Sept 6, 2016 ku dhawaaqey  Ra'isal wasaaraha hadda xilka haya. 

Madaxweyne Xasan Shiikh inta uu xilka Ri'sal wasaaraha u magacaabin wuxuu Mudane Cumar Cabdirashid ka dhigey safarkii ugu horeeyay ee dalka Somalia u fadhiya wadanka Mareykanka.

Ku dhawaaqista musharaxnimo ee Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ee xiligaan maxaynu ku macneyn karnaa: A) Ma mid odayaashu isku afgarteen miyaa ahna nin kasta tolkiis iyo asxaabtiis wax ha ka raadiyo meelna aan wax iskugu keeno, B) Mise waa mid ah saan isku aragno iyo sida laynoo arko waa labo kala fog ee “ Bakaylow nin iyo Bur” C) Mise waa mid ah Madaxweyne Xasan adiga iyo Xisbiga-aguba  inaad Somali wax u qabataan iska dhaafe meeshii laydinku dhiibay meel ka daran ayad dib ugu celiseen, howlihii aan ku heshiinay ee aheyd adiga deegaankaaga Maamul Goboleed ka soo dhis ana reerahayga Puntland iyo Jubaland ayaan 4.5 oo aan Dani ugu jirin baan ku soo qancinayaa waad ku guuldaraysatay hadaba guushaas aan anigu gaarey iyo khibradahayga ah dhexgalka Baarlamaanka aan looga baran inay hogaanka ku soo doortaan karti, Aqoon iyo Ilaah ka cabsi ayaan ka howlgalayaa.  

Isku soo duuduuboo markaan waxbadan isweydiinyay dib u milicsadey doorashadii Shiikh Shariif iyo Gaas oo labaduba markay xiligaan oo kale sheekadu mareysay yiri aan kala tashano isku talo ma noqon karnee, iyadoo xiligaas Gaas xilkaas hayay wax ku siman 1 sano dadka siyaasada ehelka u ah waxay u arkayeen iney isla dagayaan haddi midi rajo leeyahayna uu Shiikh Shariif rajo leeyahay waayo, Gaas dhaqaale ahaan ma ahayn nin Shariifka la tartami kara, tan kale wuxuu ahaa nin siyaasadda ku cusub oo u baahan in waqti siiyo Shariifka isaguna sii wado la shaqayntiisa si loo barto, khilaafkaas wuxuu keenay in Xasan Shiikh oo aan weligiis xafiis siyaasadeed fariisan uu ku guulaystay 70% aqlabiyad dhan, uuna noqday Madaxweynaha keliya ee dalka gudihiisa lagu soo doortay dowladiisuna noqotay tii ugu horaysay oo ku meel gaarka laga saaro, waxaa ii soo baxday inaysan Cumar Cabdirashid dhab ka ahayn Musharaxnimadda uu soo qadimay, waayo  waxaa lagu xantaa inuusan siyaasadda dhaqaale badan ku bixin, waa nin aaminsan in kursiga uu ku fadhiyo hab-qaybsiga qabiilka ee ka jira Somalia ku Imaan balse asxaabtiisa reer Koonfureed siisey, halka ay aheyd inuu mar hore iska casilo xilkaan waqti badana galiyo loolan kiisa ku aadan raadinta kursi khaas u ah deegaamada uu ka soo jeedo.  

Dhamaan arimahaas waxay I tusayaan in odaayshu arintoodu tahay in wax kala raadsano waxna isku raadino ayay noogu badisaa, haddiise arintu dhab tahay aadna isku aragtaan inaad mudan tihiin in hogaanka mar labaad laydinku aamino ma isweydiiseen hadii salaada keli-keli loo tukado waxaa ka khayr badan in Jamac loo tukado,    

Waxaan sugnaaba waa labada oday soo bandhigidoooda waxqabadkoodii intay xilka hayeen kolay mar haday kala tageen waxaan u malaynayaa inay kireysan doonaan khuburo kala leexisa barnaamijyadooda waxqabad, si looga hortago inay isku qabsadaan kan anaa fuliyay iyo Ok aniguna alifaada lahaa, marka u danbaysaoo khuburadu daasho ay dhahaan kuwaan African xataa maaha ee aan caqli keeno talada lagu soo idleeyo waxqabadka midna Afsomali ayaan ku qoraynaa midna Af Mandarin si loo akhrin Kari waayo ilee waa isku hal barnaamij. 

Qore: Cabdiweli Xirsi Nuur Email: awnur@hotmail.com

Aragtida qoraalkaan xambaarsan yahay  waxaa Iska leh qoraaga ku saxiixan.

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM