FAALO: PUNTLAND XAGEE KU OGYTAHAY WASIIRKEEDII AMNIGA

Image

FAALO| Maaha wax la aqbali karo hab-dhaqanka maamulka Cabdiwali Gaas ee ku aaddan xaaladda wasiirkii amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo muddo dheer xaalad caafimaad oo aad u adag u joogay dalka India magaalada Hayderabad.

Wasiirka waxaa dhowaan lagu sameeyay qalliin kelyaha looga baddalay oo loogu geliyay kelli looga saaray wiil uu dhalay magaalada Hayderabad taas oo ka dhalatay kadib markii labada kelyood ay shaqadii joojiyeen. 

Dhibaatadan wasiirku waxay ka billaabatay kadib markii isagoo hawl ummadeed ku dhex jira ay dhaawacyo kasoo gaareen mushkilad u dhexaysay laba sarkaal oo  ka tirsanaa ciidamada booliska Puntland oo ku dagaallamay goob shaqo oo wasiirku joogay. 

Inkastoo wasiirka loo qaaday dalka Jabuti si loogu soo daweeyo, haddana muddo yar kadib waxaa kusoo laba kacay xanuunkii wuxuana gaaray heer uu miyir beelay, hase ahaatee markii Cabdiweli Gaas warkaas maqley wuxuu amray in loo qaado magaaada Muqdisho.

Iyadoo ay waqtigaasi taagan tahay xaalad colaadeed oo u dhaxaysay Puntland iyo Galmudug ayaa wasiirkii oo miyirku ka maqan yahay waxaa lagu tuuray isbitaal Martiini ee Muqdisho mana jirin wax ilaalo khaas ah oo loo sameeyay sida ay indhahooda ku arkeen dadkii isbitalka ku booqday kuwaasoo qaarkood ku sugan yihiin magaalo madaxda Garowe.

Muddo yar kadib markii loo baqay xaaladda wasiirka oo u muuqatay mid ka sii daraysa ayaa qoyskiisu waxay u qaadeen dalka India iyagoo madaxwayne Gaas kala tashaday.

hase ahaatee maxaa dhacay?

Baaritaano degdeg ah oo lagu sameeyay wasiir Cabdi Xirsi waxay dhakhaatiirtu sheegeen in labada kelyood ay shaqada joojiyeen maadaama isagoo markii horeba qabay dhiig- kar iyo macaan (sonkor), haddana dhaawac soo gaaray kasoo sababey in xaalad adag uu galo.

Dad ku sugan magaalada Hayderabad oo xaaladda wasiirka si dhow ula socday waxay xaqiijiyeen in baaritaanada wasiirku iyo sifaynta kelyaha oo si joogto ah uga socday isbitalka Continental muddo saddex bilood iyo bar ah ay ku baxday  kharaj aad u fara badan.  Sidoo kale Continental Hospital ayaa qalliinka wasiirka iyo beerista kellida cusub ee laga saarayo wiilkiisa waxay ku qiimeeyeen lacag dhan $ 60 ,000 (lixdan kun oo dollar. 

Arrinta la yaabka leh waxay tahay in iyadoo madaxwayne Gaas ogyahay xaaladda uu ku sugan yahay wasiirka iyo culayska caafimaad ee haystay in haddana wax kale iska dhaafe uusan xataa wax xiriir ah la samayn intii uu xaladaan ku jiray.

Koox ka tirsan xildhibanada Barlamanka Puntland ayaa markii ay dareemeen xaaladda culus ee wasiirka waxay ugu tageen madaxwayne Gaas, hase ahaatee markii uu tiro afar goor ah intuu la ballamay haddana uusan la kulmin ayuu mar dambe lacag yar oo dhowr iyo toban kun ah u dhiibay.

Marka la isu geeyo kharajka faraha badan ee wasiirka ku baxay ee isugu jira safar, baaris, sifaynta kelyaha, qalliinka, dawaynta, degaanka, joogista india waxaa lagu qiyaasay lacag ku dhow $ 100,000 inay ku baxday.

Suurtagal ma tahay qof mas'uul ah oo dareen yar oo bani’adan ku jiro inuu sidaas ula dhaqmo dadkii xilka u hayay ee tiirka u ahaa xukuumaddiisa iyadoo la ogyahay in safarrada dibadda ee Cabdiwali Gaas dunida ugu kala goosho ay ku  baxaan lacago aad u fara badan. 

Maaha wasiir Cabdi Xirsi oo keliya mas'uliyiin fara badan oo dawladda ka tirsan ayay ku dhacday dhibaato noocan oo kale ah kuwaasoo warsidaha GO idiin soo gudbin doono waxaa ka qabsadey tageero la'aanta madaxa u sareeya Puntland.

Haddii qoka mas'uulka ah uusan helin xuquuqdii mushahar iyo adeeg ee uu ku shaqayn lahaa marka ay xaalad degdeg ah ku timaadana sidaas loola dhaqmo muxuu yahay niyada  qofku ku shaqayn karo ama uu xil dawladeed ku qaadi karo kuna gudan  karo? 

Madaxweyne Gaas oo wadanka dibadiisa  uga soo baqooley inuu xilal ka qabto Somalia ayaa marka la eego Hab dhaqankiisa maamul waxaad ka arki kartaa inuu go’aansaday marka uu dhameysto shanta sano ee xukunka uu hayo in dalka Mareykanka dib ugu noqdo isagoo maalqabeen ah sababtoo ah intii uu joogay Puntland waxa keliya uu qabtay waxay ahayd baadigoob iyo garaacis albaab kasta oo uu dhaqaale ku heli karo. 

Muddadii uu ahaa madaxwaynaha-na wuxuu ummadda Puntland tusay una sheegay si dadban iyo si toos ah inuusan wax dan ah ka lahayn iskuna tashadaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya: Isku-daneysi mise macaash raadin?

Maalgelinta Ankara ayaa si gaar ah u beegsatay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

  • Maqaalo

    21-04-2024

  • 06:11AM

Madmadow soo wajahay qabsoomida shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qarka u saaran inuu la kulmo waji-gabax siyaasadeed.

  • Maqaalo

    18-04-2024

  • 10:21AM