​46 ruux oo ku dhimatay qaraxyo kadhacay dalka Syria

Image

Inta la ogyahay 46 ruux ayaa dhintay tiro intaas ka badanna waa ku dhaawacmeen weeraro isxig-xigay oo ka dhacay magaalada ku taalla galbeedka waddanka Syrianee Xums. 

Qaraxyadan ayaa ka dhashay labo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kuwaasi oo lasoo dhigay xaafado ay ku badanyihiin shacabka taageera Bashar al-Asad. 

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa cadeeyay dhimashada 46 ruux halka warar maxalli ah tirada dhimashada ka dhigayaan 42. 

Dadka dhintay ayaa 28 kamid ah yihiin shacab.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay weerarkan, balse waxaa looga cabsi qabaa ururka Daacish oo mudooyinkii dambe weeraro caynkan ah ka gaysanayay Xums. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM