87 qof oo ku qaraqmay Badda Liibiya

Image
Image
Image

Ku dhawaad 100 ruux ayaa geeriyooday kadib markii ay dagtay doon ay la socdeen tahriibayaal lagu qiyaasay 120 qof oo axaddii lasoo dhaafay ka shiraacday xeebaha Liibiya.

Maydadka dadka dhintay ayaa laga helay gobolka Zawiya.

Kooxaha Gurmadka ayaa helay maydadka 87 qof, iyagoo sheegay inay u malaynayaan dad dhintay oo biyaha hoos u galay.

Dadka geeriyooday waxaa ku jiray carruur iyo dumar, kuwaas oo ku wajahna qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Talyaaniga.

Maydadka dadka masiibadaas ku dhintay ayaa la geeyay qabuure ku yaal Tripoli, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Liibiya.

Todobaadkii waxaa gobolka Zawiya laga soo bad-baadiyay 500 oo dhalinyaro doonaysay inay aadan dhinaca Liibiya, kuwaas oo watay doonyo aad u jilicsan.

Sannadkii hore, waxaa masiibadan oo kale u geeriyooday 5,000 oo qof.

Dhibaatada ugu badan ayaa ka dhacday badda Mediterranean sea.

Bishii lasoo dhaafay tirada dadka ku dhimanaya Liibiya ayaa sare u kacday.

Magaalooyinka Liibiya, waxaa hadda ku sugan dhalinyaro aad u badan oo doonaya inay galaan dalalka Yurub, kuwaas oo raadinaya inay helaan nolol ka wacan midda taalla Africa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM