Amarro la dul-dhigayo Diyaaradaha tagaya Maraykanka

Image

Xogo laga helayo ilo wareedyo katirsan xukuumadda Washington ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan tallaabooyin adag oo ku aadan bad-qabka diyaaradaha uga yimaada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa.

Wararku waxay sheegayaan in qaybta mukhaabaraadka dalkaas ay wado olole lagu joojinayo in diyaaradaha waddankaas taga lagu dhex-isticmaalo aaladaha ku shaqeeya Korontada kuwaasoo la rumaysanyahay in loo adeegsan karo garaxyada.

Lama oga culayska soo siyaasaday ee kalifay in tallaabadan uu qaado Maraykanka kasoo dhawaan xanibaad dhinac socdaalka ah kusoo rogay lix waddan oo ku yaalla Bariga dhexe iyo africa.

Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdishu.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka diyaaradaas.

Mukhaabaraadka USA, ayaa faray diyaaradaha tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada siddeed dal in aysan ogolaan in lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro.

Balse, shacabka ayaa wali loo ogolyahay inay diyaaradaha ku dhex-isticmaalaan taleefanadooda.

Muddo Afar maalmood ah ayay haystaan shirkadaha duulimaadyada inay ku filiyaan amarkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM