​Barrow oo lagu caleemo saarayo Senegal iyo shacabka Gambia oo qaxay

Image
Image
Image

Madaxweynaha ku guulaystay doorashadii sannadkii hore ka dhacday dalka Gambia Adama Barrow, ayaa sheegay in caleemo saarkiisu maanta ka dhacayo Safaaradda dalkaas ee ku leeyahay Senegal.

Qoraal kooban oo xalay saq dhexe soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu sheegay in dalkaasi ka bixi doono waqtigii madoobaa islamarkaana isaga uu yahay madaxweynaha rasmiga ah.

“Waagii cusubaa ee Gambia waa uu yimid ugu dambeyn” ayuu yiri Barrow.

Caleemo saarka ayaa markii hore lagu waday in maanta ay ka dhacdo caasimadda dalka Gambia ee Banjul, kadib markii uu Barrow ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday 01 December, 2016.

Jammeh, ayaa doorashada kadib aqbalay natiijada inkastoo dib iska badalay oo uu xusay in doorashada lagu shubtay isagoo wacad ku maray inuusan xilka wareejin doonin oo dalkaas muddo dheer xukumi doono.

Dhan kale, wararka aan ka helayo caasumadda dalka Gambia, ayaa sheegaya inuu socdo qax xooggan oo dadka dalkaasi ugu safrayaan waddamada dariska ah iyagoo ka cabsi qaba dagaal dalkaas ka qarxa.

Dadka ka cararaya Magaalada Banjul, = waxaa ku jira shisheeyaha dalxiis  ku joogay dalkaasi, waxaana Arbacadii mashquul xoog leh laga dareemay Garoonka ugu weyn caasumaddaas.

Barakacayaasha, ayaa tagay waddamada Senegal iyo Nigeria, inkastoo xuduuda ay joogaan ciidamo sugaya amniga.

Dalalka Afrikada dhexe ayaa ku guul darraystay in Madaxweyne Yahye Jammeh ku qanciyaan inuu baneeyo kursiga oo ku wareejiyo hogaamiyaha mucaaradka ee doorashada uga adkaaday.

Waddamada qaybtood, waxay soo jeediyeen in xoog awooda looga qaado Madaxweynaha waqtiga dheer soo xukumayay Gambia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM