​Bashaar al-Asad oo guusha ciidankiisa soo dhaweeyay

Image

Madaxweynaha Syria Bashar Assad ayaa soo dhaweeyay guusha ay ciidanka dalkaasi ka gaareen dagaalka magaalada Xalab, halkaasi oo dhawaan laga saarey mucaaradka.

Madaxweyne Assad ayaa ku tilmaamay guusha dagaalka Xalab, mid usoo hoyatay dhammaan dalalka dagaalka kula jira Argagaxisada, sida laga soo xigtay TV-ga Qaranka Syria.

Bashar ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Ruushka kaalintii ay ka qaadatay howlgalka Mucaaradka looga saarey magaalada Xalab, ee waqooyiga Syria.

Assad ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibada Iran Hossein Jaberi Ansari, oo booqasho ku joogo magaalada Dimishiq, ee xarunta Syria.

Iran iyo Ruushka ayaa ka gacan siinayay dowladda Syria dagaalka ay kula jirto Mucaaradka oo soo billowday Bishii Maarso 2011.

Mucaaradka ayaa isaga baxay magaalada Xalab, waxaana ay kuu qaadatay ciidamada Syria inay la wareegeen 3 sano, oo ay socdeen dagaallo iyo duqeymo joogto ah oo dad badan ay ku dhinteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM