​Diblomaasi sare oo lagu dilay Pakistan

Image

Diblomaasi sare oo u dhashay dalka Afghanistan ayaa lagu dilay magaalada Karachi, ee koonfurta  Pakistan.

Booliska ayaa sheegay in Diblomaasi lagu dilay Qunsuliyadda Afghanistan ee magaalada Karachi, waxaana dilka u geestay Askari u dhashay dalka Pakistan.

Mas'uulka la dilay ayaa ahaa xoghayaha Qunsulka Afghanistan u fadhiya Karachi, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska.

Safiirka dowladda Afghanistan ee Pakistan Omar Zakhilwal ayaa xaqiijiyay dilka mas'uulkaas, waxuuna ku tilmaamay mid ka dhashay muran isaga iyo Askari dhexmaray.

Wuxuu intaas ku daray in la qabtay askari dilka geestay, oo kamid ahaa ciidamo u dhashay Pakistan, oo ilaaliya Qunsuliyadda Afghanistan.

Dowladda Pakistan kama aysan hadlin Dilka Diblomaasigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM