Dowlada Imaraadka oo bilowdey olole lagu taakulaynayo shacabka Somalia

Image

ABU-DHABI- Saxaafada dalka Imaraadka ayaa maanta bilowdey olole lagu taageerayo shacabka Somalia oo abaartu waxyeelada gaarsiisey kaasoo loogu magac darey " Adigaa Iska Leh Somalia" .

Barnaamijyo ka hadlaya sidii taakuleyn deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka abaartu waxyeelada ba'an gaarsiisey ayaa ka baxay maanta oo Jimce ah talefishinada magaalooyinka Abu Dhabi, Dubai iyo Sharjah halka sidoo kale ay ka qayb qaateen idaacdaha, shirkadaha Isgaarsiinta iyo khudbadihi masaajidyada ka baxayey.

Amarka lagu bilaabey barnaamijyadaan mucaawinada loogu uririnayo shacabka Somalia si Loola dagaalamo saameynta abaartu ayaa waxaa baxshey Shiikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan. 

Barnaamijkaan ayaa sidoo kale haysta tageerada Shiikh Mohamad Bin Rashid Al Maktoum oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Imaraadka, Ra'isal wasaare islamarkaana ah ninka xakuma Dubai.

Saxaafada Dubai ayaa saaka waxaa loo kala direy fariimaha twitter iyadoo loo sheegey iney ka qayb qaataan barnaamijyada ururinta taakuleynta shacbaka Somalia taasoo deg deg ah.

Shirkadaha Isgaarsiinta sida Etsalat iyo Du ayaa macaamiishooda u sheegey in lacagaha deeqda ah ku bixiyaan iyagoo isticmaalaya numberada SMS ee hoos ku qoran.

For du users: Dh10, SMS to 7110 Dh50, SMS to 7150; Dh100, SMS to 7100; Dh200, SMS to 7200

For Etisalat users: Dh10, SMS to 4010; Dh50, SMS to 7050; Dh100, SMS to 7100; AED200, SMS to 7200

Dowlada Imaraadka ayaa asbuucii hore ku dhawaaqdey in 500 million dirham ugu deeqeyso shacbaka Somalia ee abaartu waxyeelada gaarsiisey.

Qaramada Midoobey ayaa sheegey in dalka Somalia deg deg ugu baahan yahay 24 million dollar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM