Dowlada Jabuuti oo Dalbatey in Ciidamo la keeno xadkey ku muransan yihiin Eritrea

Image

Dowladda Jabuuti ayaa ka dalbatay Midowga Afrika in koox kormeerayaal ah loo diro xadka ay la wadaagan Ereteria oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisadi ka taagnayd ka dib markii ciidamadii nabad ilaalinta ee Qadar ay hallkaasi isaga baxeen.

Ciidamada Qadar ee ku kala dhex-jiray labada dhinac ayaa la keenay xadka labadan wadan sanadkii 2008-da markaasi oo labada dowladood uu dhex-maray dagaal kharaar oo ka dhashay muran la xiriira dhanka xadka la isku haysto.

“Qadar waxa ay la baxday ciidamadeeda ,iyada oo uusan jirin qorshe diyaarsan oo looga horagi karo khilaafka labada dowladood ,mana ahayn arintaasi mid ay dani ugu jirto labada dhinac” ayuu  yiri wasiirka arimaha dibadda Jabuuti Mohamoud Ali Yuusuf oo ka qayb-galaya shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

“Waxaan Midowga Afrika u soo jeedin-nay in ay la wareegto xadka lagu muran-sanyahay , isla markaana la buuxiyo booskii ay ciidamada Qadar ka tageen “ ayuu mar kale yiri wasiirka oo tilmaamay in muhiimad gaar ah la siiyo arintan.

Mr. Yuusuf ayaa sheegay in hadii Midowga Afrika uu arintan soo fara-galiyo xal laga gaari karo khilaaf hor leh iyo dagaal dhex-mara dowladaha Jabuuti iyo Ereteria ,waxaana uu xusay in Ereteria ay ciidamo badan soo dhoobtay xadkooda.

Ugu danbayn, dowladda Qadar ayaa ciidamadeeda kala baxday xadka uu muranku ka jiro ka dib markii ay dowladaha Jabuuti iyo Ereteria la safteen xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga oo xiriirka u jaray dowladda Qadar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM