Duqeyn 33 qof ku dishay Dalka Syria

Image

Hay’ad la socota dagaalka dalka Syria ayaa sheegtay in duqeyn la rumeysan yahay inay fuliyeen isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ay 33 qof ku dishay iskuul u dhow magaalada muhiimka ah ee Raqqa.

Kooxda la socodka xuquuqda aadanha ee Syria waxa ay sheegtay in weerarka uu xilli hore maalintii talaadada ka dhacay xaafadda al-Mansoura, islamarkaana iskuulka la weeraray uu gabbaad u ahaa dad ku barakacay dagaalka Syria.

Raqqa waa caasimada ay sheegtaan kooxda Daacish, waxaana qabsashada magaalada ay tahay muhiimadda koowaad ciidamada kala duwan ee la dagaalamaya kooxdaas.

Isbaheysiga Mareykanka uu hogaamiyo oo ay ku jiraan dhowr iyo toban dal oo kale ayaa duqeymo ku waday magaalada Raqqa maalmihii dhowaa.

Xog laga helay isbaheysiga ayaa muujineysa in qiyaasti labaatan duqeyn ay maalinkiiba ka dhacday magaaladaas, maalmihii Sabtida, Axaddii iyo Isniintii.

Guud ahaan, duqeymaha Syria ayaa sare u kacay sanadkan, ayada oo bilihii Janaayo iyo Febraayo ay dhaceen 550 duqeyn midkiiba, taas oo aad uga badan 350 duqeyn oo dhacay guud ahaan lixdii bil ee ugu dambeeyey sanaddii 2016.

VOA


Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM