​ICJ oo la safatay Somalia kiiska xaduudda Badda ku salaysan

Image

Maxkamada Caalamiga ee Cadaallada QM (ICJ) ayaa go'aan ka gaartay Dacwadda la xiriirta Muran dhanka Badda ee u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Kenya.

ICJ oo la jirsatay Somalia, waxay diiday doodii Kenya ee ahayd in heshiiska u dhaxeeya labada waddan uu ka dhigan yahay in muranka u dhaxeeya ay ku xalliyaan meel ka baxsan maxkamadda.

Qareenada Somalia Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna dani ugu jirto in si dhakhso leh loo soo afjaro murankan.

Balse Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai, ayaa sheegtay inay Maxkamada la safatay Somalia, sidoo kalena ay diiday codsigeeda ahaa in labada dalka loo daayo inay ku xalistaan Muranka Xuduud-badeedkooda Heshiisyo Is-afgarad ah.

Intii uu dhageysiga doodaas socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

Xeer ilaaliyaasha labada Waddan ayaa ku sugnaa goobta go'aanka lagu shaacinayay dalka Holland.

Xukunkan ayaa waxa uu macnihiisu yahay in kiiska soohidna badda ee ay maxkamadda geysay Soomaaliya kana dhanka ah Kenya uu sii socon karo, taasi oo ah hanaan sanado badan qaadan kara.

Hishiiska muranka dhaliyay ayaa labada waddan wada gaareen 2009 xilligaas oo Somalia Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Halka Ra'isal wasaaruhu ahaa Cumar Cabdirashiid.

Shacabka Somaliyeed ayaa soo dhaweeyay tallaabada maxkamaddu qaaday, waxayna rajo kamuujiyeen inay guul ka gaari doonaan arrimaha socda.

Mas'uuliyiintaas ayaa horay u sheegay in is-afgaradku uusan ahayn in laga hishiiyay muranka xadka badda labada dal balse horseedayo in wadahadal laga galo.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Dhul badeedka muranka uu ka taagan yahay ayaa la rumeysan yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo saliidda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM