IDLIB: 58 ruux oo ku dhintay weerar loo adeegsaday Kiimiko

Image

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhimatay dad kale ayaana ku dhaawacmay weerar laga shakiyay in kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ay jabhaduhu haystaan oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen koox la socota arrimahaas.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Khan Sheikhoun ee ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ama Suuriya ay sababeen in dad badan ay neefqabatoobaan.

Intaas ka dibna diyaarado dagaal ayaa duqeeyay rugo caafimaad oo lagu dawaynayay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii hore, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dooda.

Dawladda Suuriya ayaa si joogto ah u diida in ay isticmaasho hub kiimiko ka samaysan.

Haddii la xaqiijiyo in weerarkan kiimiko loo adeegsaday wuxuu noqon doonaa midkii ugu waxyeelada badnaa ee noociisa ah ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billawday lix sano ka hor.

BBC

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM