​Israel oo deegaamayn ka billowday dalka Falastiin

Image

Maamulka Israel ayaa shaaciyay inay billaabeen qorsho cusub, oo 3,000 oo guryo ah uga dhisayaan magaalada Daanta Galbeed, ee dalka Falastiin.

Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay shacabka Yuhuuda dib u dejin uga samaynayaan magaalooyinka daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee dhulkaas reer Falastiin.

Waa markii 4-aad oo Israel sheegayso inay wado deegaamayn sharci darro ah oo ay ka samaynayso dhulkaas tan iyo markii Doland Trump la doortay.

Maamulkii hore Barack Obama ayaa cadaadis ku saari jirey Israel inay joojiso deegaamaynta daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Marinka Gaza.

Beesha caalamka ayaa cambaaraysay dhismooyinka Yuhuuddu ay ka wado dalka Palestine ee xoogga ay ku qabsatay 1967 markii uu dhamaaday dagaalkii Carabta iyo Israel.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM