​Israel oo ka jawaabtay qaraarka golaha ammaanka

Image

Dowladda Israel, ayaa ka jawaab celisa qaraar ay ansixiyeen golaha ammanka Qaramada Midoobay  kaasoo ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharci darrada ah ee Yuhuuddu ka wado dhulka Falastiin.

Ra'iisulwasaare, dalkaas Benjamin Netanyahu, ayaa saxaafadda u sheegay in xukuumaddiisu aanay aqbali doonin shuruudaha ku jiro qaraarkaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ceeb ah.

Wuxuu sheegay in qorshahaas aan loogu yeeri karin qaraar balse uu yahay mid lagu dhaleecaynayo xukuumadda Israel islamarkaana lagu joojinayo hormarinta ay wadaan.

Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa dabada ka riixayay in qaraarkaasi la meel mariyo.

Arrintaasi darteed Israel, ayaa wadatashi ugu yeertay safiiradeeda u fadhiyay dalalka New Zealand iyo Senegal, labadan dal ayaa ka mid ahaa dalalkii gadaal ka riixayay qaraarka Qaramada Midoobay, sidoo kale Israa'iil waxa ay jartay dhammaan mashaariicdii gargaarka ee ay siin jirtay dalka Senagal.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee UN xubnaha ka ah.

Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sanadkii 1967-dii oo Israa'iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.

GAROWEONLINE

Related Articles

Zelensky oo codsaday in la difaaco si la mid ah Israa’iil

Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 09:13AM

Israa’il oo la xaqiijiyay inay jawaab ka bixin doonto weerarkii Iran

Madaxweynaha Maraykanka ayaa wado dadaal lagu baajinayo weerarkaas.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 06:41AM