​Kuuriyada Waqooyi oo Cambaarayn la kulantay

Image

Qaar kamid ah waddamada ugu quwadda weyn dunida ayaa ka walaacsan khatarta ka imaan karta tijaabada hubka Neuclear-ka ee ay baroobaynayso dowladda Kuuriyada Waqooyi taasoo horay isaga dhago tirtay Cunaqabatayn ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay.

Dalalka Ruushka, Shiinaha, Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa cabsi ka muujiyay tallaabooyinka ay ku kacayso xukuumadda Pyongyang, gaar ahaan tijaabadii ugu dambaysay ee Gantaalkii 6aad ee saaka cirka loo ganay.

Gantaaladan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ugu casri sanaa Caalamka islamarkaana ay isaga kala gooshi karaan Qaaradaha Adduunka.

Goor sii horaysay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Kim Jong-un  ayaa goor sii horaysay sheegtay in tijaabadaasi ay tahay mid guulaysatay islamarkaana hubkeedu uu yahay mid aad u horumarsan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Gantaal saaka ay tijaabisay xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay inay tahay colaad hor leh oo kusoo biirtay dunida.

Trump oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa intaas ku daray in hadallada iyo ficillada dowladdaas ay dhalin karto dhibaato ka qaraxda caalamka.

Maaha markii ugu horaysay ee la cambaareeyo falal ay ku kacday xukuumadda Kuuriyada Waqooyi, balse hadda ka hor waxaa hanjabaato hawada isu marayay dowladda Washington iyo Pyongyang.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM