Lix qof oo ku dhimatay weerarkii London

Image

Weerark ayaa ka dhacay buundada caanka ah ee London Bridge

Booliska magaalada London ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in 6 qof ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso.

Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska .

Weerarka ayaa bilowday ka dib markii gaari la jiirsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.

Mid ka mid ah gobjoogeyaashii halkaa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan isla markaana ordaya meel u dhaw buundadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi tooreey la dhaceen.

Daqiiqado kaddib waxaa goobta gaaray booliska, waxaana la maqlay rasaas.

Askar hubaysan ayaa goobta loo diray
Dhanka kale, duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa cambaareeyay weerarkan, waxa uuna ku tilmaamay mid fulaynimo ah.

Sadiq Khan ayaa intaa ku daray in uusan jirin qiil loo helayo falalkan cawaannimada ah.

In ka badan 80 ah howlwadeennada gurmadka degdeg ah ayaa durbadiiba gaaray goobta uu weerarka ka dhacay.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa goobta gaaray
Ra'iisulwasaare Theresa May, ayaa lagu wadaa in goor danbe oo maanta ah ay shir guddoominayso kulan ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha laamaha ammaanka ee dalkaasi.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Britain kaddib waxa uu ku tilmaamay musiibadan ugu danbaysay.

Madaxwayne Trump ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka ay samaynayaan wax kastaa oo karaankooda ah si ay u caawiyaan Britain.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo toddobaad kaddib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Machester ay ku dhinteen 22 qof.

BBC

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM