​Mayorkii hore Toronta oo geeriyooday

Image

Mayarkii hore caasumadda Canada ee Toronta Rob Ford ayaa ku geeriyooday magaladaasi isagoo jira da'da 46-aad, wuxuuna u dhintay Cancer ku reebay feex.

Qoraal ay soo dhigeen qoyskiisu barta Internetka gaar ahaan Facebook, ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa iyagoo dhimashadiisa ku sifeeyeen mid ay aad uga xumaadeen.

Ford, ayaa ahaa nin aad loo jecelyahay, waxaana waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah; in magalada Toronto kadhigay waqtigii uu Mayorka ahaa mid ay kuwada noolaan karaan bulsho kala duwan oo kala dhaqan ah, wuxuuna sidoo kale kor u qaaday sumcadda waddankaas.

Waxaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu ka qoslin jiray bulshada kahor intuusan xilkaasi qaban.

Caasumadda Canada, ayaa Rob wuxuu soo maamulayay sannadihii u dhaxeeyay 2010 ilaa 2014 wuxuuna ahaan mayarkii 64-aad ee magalada Toronto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM