​NATO oo qirtay inay shacab ku dishay Afghanistan

Image

Isbahaysiga NATO ayaa qirtay inay dad shacab ah ku dileen weerar ka dhacay waqooyiga dalka Afghanistan Bishii November sanadkii 2016.

NATO ayaa sheegtay inay samaysay baaritaan la xirira weerarkaasi  oo ay ka geysteen militariga Mareykanka meel ku dhaw magaalada Kunduz.

War qoraal ah oo kasoo baxay gaashaanbuurtaas ayaa lagu sheegay in weerarka cirka ah ay ku dhinteen 33 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay caruur kamid ahaayeen.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay Bishii November deegaanka Buz Kandahari, oo ku dhaw magaalada Kunduz, iyadoo bartilmaameedsanaya xubno katirsan Taliban.

NATO ayaa raaligelin ka bixisay geerida shacabka ee kasoo gaartay howlgalkaas, oo noqday midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii Reer galbeedka duulaanka ku qaadeen Afghanistan 2001.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM