​Rabashado kasocda qaybo kamid ah Kenya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynaha talada haya ee waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wali hogaaminaya codadkii doorashada ilaa iminka la tiriyay, isagoo ku hogaaminaya codad gaaray 54 boqolkiiba, halka ninka la tartamaya ee Odinga uu leeyahay 45%.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in 93% la tiriyay codadkii la dhibtay, taasoo keentay inuu Qaadaco hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga.

Raila Odinga ayaa shir jaraa’id oo u qabtay warbaahinta wuxuu ku sheegay in kooxaha jabsada kombiyuutarada ay fuliyeen Khiyaano Xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Kumbiyuutarada guddiga doorashada Kenya.

Odinga ayaa tilmaamay  in taasi dhalisay wax uu ugu yeeray tiro codad ah oo muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kaga horreeyo Codadkii la dhiibtay Talaadadii.

Arrintaas ayaa keentay in Taageerayaasha hogaamiyaha Mucaaradka Kenya ay rabshado ka dhigaan qaybo kamid ah dalkaas, taasoo keentay inay isku dhacaan Booliiska, waxaana shaqaaqadaas ku dhintay hal qof sida ay shaaciyeen laamaha Booliiska magaalada Kisumu.

Sawirro lagasoo qaaday goobtaas ayaa muujinaya dadweyne Caraysan oo isugu soo baxay magaalada kuwaaasoo gubay Taayaro islamarkaana dhagaxaan ku xiray waddooyinka.

Booliiska oo adeegsanaya Xabadaha Cinjirka ah iyo sunta dadka ka ilmaysiisa ayaa ku dadaalaya inay hakiyaan rabshadahaas.

Kismu oo dhacda Galbeedka waddanka Kenya  waxaa ku xooggan Mucaaradka, iyadoo hadda ka hor ay dhaceen rabshado dhexmaray bannaanbaxayaal iyo ciidamada Booliiska.

Magaalada Nairobi ee Caasumadda ah ayaa sidoo kale la keenay ciidamo tiro badan, waxaana wararka soo gaaraya GO sheegayaan inay ka socdaan qaybo kamid ah dibad baxyo.

Bannaanbaxayaasha ayaa sidoo kale eedaynaya guddiga doorashooyinka waddanka iyagoo ku dhaliilay inay mas’uul ka yihiin ku shubashada codadka.

Madaxweynaha Talada haya ee Kenyatta ayaa goor sii horaysay ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo ammaanka Kenya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa'id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah.

Waxa uu sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Mar wax laga weeydiiyey eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in la jabsaday habka electaroonika ee guddiga, kadibna lagu shubtey codadka ayaa waxa uu yiri "Waan baari doonaa sheegashaadaasi, balse hadda waxbo kama oran karo".

Sannadkii 2007 ayay ahayd markii rabashado ka dhacay dalkaas ay ku dhinteen dad tiro badan kadib markii laga guulaystay Ra’isal wasaarihii hore ee dalka Kenya hadana tartanka ku jira ee ka socday Xisbiga Mucaaradka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM